Waxaa la soo gabagabeeyay tirinta cododka wareegii 3aad ee doorashada Madaxweynaha Puntland, waxaana ku guuleystay Saciid C/llaahi Deni oo helay 35 cod, halka Musharaxii la tartamayay Jen. Asad Cismaan uu helay 31 Cod.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland ayaa ku dhawaaqay natiijada codka, iyadoo uu sheegay in Madaxweynaha Puntland ee 5-ta sano soo socota inuu yahay Saciid C/llaahi Deni.
Siciid Cabdullahi Deni ayaa helay 35 cod, Gen. Asad Cismaan Cabdullahi ayaa isaguna helay 31 cod. Siciid Cabdullahi Deni ayaa noqonaya Madaxweynaha shanta sano ee soo socota ee Puntland, isagoona horey uga mid ahaa xubnaha sida weyn loo hadal hayey inay doorashada ku guuleysan karaan.
Madaxweynaha cusub ayaa la dhaariyey wuxuuna khudbad kooban oo uu golaha kasoo jeediyey ugu mahadnaqay Guddiga doorashada ee hawsha waday iyo waliba maamulkii hore ee hogaaminayeen Madaxweyne Gaas iyo kuxigeenkiisa Came
Saciid C/llaahi Deni ayaa horay u soo noqday Wasiirkii Qorsheynta ee dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh.
Doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa muujisay is bedelo aan la fileyn, iyadoo ay meesha ka baxeen Musharaxiin ay wadatay dowladda Federaalka oo qaarkood ku haray wareegga koowaad.