Home Afsomali VIDEO kkkk Muqdisho ugu imow ilaalada dhigista qashin xaafadaha iyo jid cadayashada...

VIDEO kkkk Muqdisho ugu imow ilaalada dhigista qashin xaafadaha iyo jid cadayashada wadooyinka

Muqdisho ugu imow ilaalada dhigista qashin xaafadaha iyo jid cadayashada wadooyinka

Sida aan la socono qashinka inta uu kuu jiro ayuu cudurku kuu jiraa sidaa ay tahayna meelkasta ama bugcad kasta oo mugdisho ka mid ah waxaa daadsan qashin gudaafad si aad ah u wasaqeysan taasi oo la waayey maamul dareensan oo arintaa wax ka qabta dowlada ama hey.adaha u xilsaaran oo ay ku jiraan shirkado lacago ka qaata qoysaska deegaanada ay ku yaalaan hadana aan waxba ka qaban kana qaadin qashinka ama haraaga waxyaabaha ay isticmaalaan .

Waxaana jira gobihii qashinka la geynjiray in ay in guryo laga dhistay magaaladuna ay ku fiday si walbo ay ku dhacdayba dhulka danta guudna ka baxday ayna noqotay dhul shaqsiyaad gaar ah leeyihiin

Qoysaska muqdisho  qaarkood  ayaa arintaa cabasho xoogan ka muujiyey waxaa ayna sheegeen in meel kasta laga hor istaagay in ay qashin dhigaan  waxayna ku sifeeyeen in ay mari waayeen ilaalada xaafadaha laga sameeyey ka dib markii ay u imanwaayeen hey.adihii ku shaqada lahaa xili ay bixiyeen qarash bile ah

Haweenka ay saameynta ku yeelatay ayaa la sheegay hadal heynta ugu badan in ay noqotay xagee aadeen heya.dihii qashinka qaadayey iyo ma aragtay gaadiidkii ay lahaayeen

Ganacsatada iyo dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in ay gaartay xili ay qashinka la raacaan mooto bajaaj xaafad ilaa xaafada marka ay maqlaan in shirkadii joogto xaafad heblaayo

 

Shirkadaha ayaa iyana ku dooda in qashin aan la dhigi karin magaalada dhaxdeeda balse waxaan iska war heyn shaqaalaha oo aan fulin amarada la siiyo iyo maamulka shirkada oo aan sameyn dabagal dhab ah

Maamulka gobolka banaadir iyo gudoomiyayasha dagmooyinka ayaa si isku mid ah ula dagalama dadka qashinka ku shuba wadooyinka waxaa ayna sameysteen dhalinyarada ilaalada dhigista qashin xaafadaha iyo jid cadayashada wadooyinka

Ku waas oo qof walba ku leh hadhigin qashinka

In kasta oo taasi jirto ayaa hadana ileen il il ma eegtee waxaa ay fursad u helaan in ay wadooyinka dhigaan qashin ay ku daaleen sidi diisa markaana  ay neef ka soo fuqdo sida uu iisheegay mid ka mid ah dadka deeganka oo haleeli waayey in gurigiisa qashinka laga qaado xili uu diyar la ahaa qarash kasta ku baxo qaadista qashinka wuxuuna intaa raaciyey in la waayey godogkii la qodi jiray iyo ciyaalkii loo dhiibi jiray intaba

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.