Home Afsomali VIDEO Kooxda Fananinta Hiil Haween Iyo Munasibada Ururka Haweenka Ee Muqdisho

VIDEO Kooxda Fananinta Hiil Haween Iyo Munasibada Ururka Haweenka Ee Muqdisho

Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo Muqdisho Kusoo Dhaweeyay Fanaaniinta Hiil haween  iyo Baroor diiqda Marxuun Ex Wasiir Xoosh

Kooxdaan fanaaninta ah ayaa inta badan soo bandhiga suugaan ka turjumeysa kaalina ururka haweenka qaranka  Somaliyeed uga jiraan dib u soo kabashada dalka

Waxaana kooxda fanaaniinta hiil haween ayaa munaasibad ka dhacday xarunta uruka haweenka ku soo bandhigay suugaan ka hadlaysa taariikhda haweenka soomaliyeed ku leeyihiin bulshada somaliyeed iyo sida ay uga go.an tahay sida dhif iyo dheef la,aan ay dalkooda ugu shaqeeyaan

Ugu danbeyntiina waxaa munaasibada soo xirtay Gudoomiyaha Ururka hasweenka Qaranka batuulo Xaaji Axmed gabale waxayna faahfaahin ka bixisay ujeedka Munaasibada iyo danta laga leeyahay waxayna u mahadcelisay kooxda fanaaninta hiil haweeen oo ay sheegtay in ay markasta garab taagan yihiin haweenka SOmaliyeed

Dagaaladii dalka ka dhacay ayaa sababay in ay dhibaatooyinka ugu badan ay haweenka gaaraan waxaana haatan ay sheegeen in hogaaminta batuulo ka dib dhibaatooyin badan ay xal ka gaartay xaalada haweenkuna caadi ku soo laabatay

Dhanka kale munaasibada loogu baroor diiqayey wasiirkii dastuurka Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh jabrii oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeybgalay qaar ka mid ah walaaladiis  ehelada  asxaabta iyo Culumo soomaaliyeed kuwaas oo u duceeyey Marxuumka

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.