https://youtu.be/fomwIOyJ0VU
War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada XFS ayaa waxaa lagu sheegay in si KMG ah loo joojiyey duulimaadyada diyaaradaha gudaha, sababo la xariira Corona.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in beri wixii ka dambeeya la mamnuucay diyaaradaha isaga kala goosha gudaha, marka laga tego kuwa sida daawooyinka iyo raashinka.
Sidoo kale wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ayaa shaacisay in amarkii lagu joojiyey duulimaadyada caalamiga ah uu weli sidiisii yahay, illaa amar dambe.
Qoraalka ayaa sidaan u qoraa
Warsaxaafadeed
si loo xakameeyo cudurka Caroona Virus ayaa waxaa xaukuumada fadaraalka Somalia taariikh 28 faraayo 2020 ka go.aamisay qodobada soo socda
1in dhamaan xakameyntii lagu sameeyey duulimaadyada caalamiaga ah oo aan ahayen kuwa sida badeecadaha iyo daawooyinka sii soconayaa ilaa iyo inta ay dowladu amar kale ka soo saareyso
2 ka bilaabato dhamaadka maalinya axada ah waxaa si kMG loo hakiyey dhamaan duulimaadyada rakaabka ah ee wadanka gudihiisa isaga goosha
3 diyaaradaha wadanka gudihiisa u kal daabula sida xamuul ama daawo lagama maarmaan ah waa in ay soo gudbiyaan codsi ay ku lifaaqan yahay liiska alaabada ay qaadayaan 24 saac ka hor xiliga safaraka
4 diyaaradaha iyo dadka la shaqeeya cruuga waa in ay u hogaansamaan awaamiirta iyo talooyinka dowlada gaar ahaan wasaarada caafimaadka
Maareeyaha Hay’adda Duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan oo goordhaw la hadlay Radio mudisho ayaa sheegay in duulimaadyada la hakiyay ee gudaha dalka kaliya ay yihiin dadweynaha balse aysan ka ku jiran alaabada qutul daruuriga sida raashinka ,daawada, qalabka baabuurta iyo waxii la mid ah oo ay bulshada ka maarmin.
Maareeyaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliyeed iyadoo utureysa shacabkeeda ay ku da daaleyso in culus farabadan aysan la kulmin hase ahaatee ay udigeysa dadka wada warar aan xaqiiqda ku saleysneen oo ah in la joojiyay waxyaabaha aas aasiga u ah bulshada
Axmed Macalin Macalin Maareeyaha Hay’adda duulista rayidka waxaa kaloo uu intaa ku daray in alaabaha dibada ka yimaada sida raashinta daawada iyo waxa la mid ah ay ufasaxan yihiin in dalka la keeno.
Wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada Xukumadda Federaalka ay shaacisay in la hakiyay muddo kooban duulimaadyada gudaha laga bilaabo caawo si looga hortago faafitaanka Cudurka Saameeynta badan ku haaya Caalamka ee Covid-19