Home Afsomali VIDEO Lacag la.aan ku dhigo jaamaca Ummadda waxbarta aan barwaaqo gaarnee

VIDEO Lacag la.aan ku dhigo jaamaca Ummadda waxbarta aan barwaaqo gaarnee

Raiisal wasaaraha Xukuumada Fadaraalka somaliya Xasan Cali kheyre iyo Wasiirka wasaarada Waxbarashadda Cabdiraxmaan Daahir Cusman ayaa Booqday xarunta Jaamaca Ummada oo uu ka socday Imtixaanki gabagabada kaasi oo ardaygii ku guuleysto uu ku  helayo waxbarasho kuliyadaha  jaamacadeed bixiso oo lacag la,aan ah. 

Gudoomiyaha Jaamaca Ummada Maxamed Axmed Jimcaale ayaa uga warbixiyey RW xasan cali Kheyre iyo wasiirka waxbarashada qaabka uu u socdo imtixaanka lagu galayo Jaamcada umada Soomaaliyeed oo aan wax lacag  ah laga dooneynin ardaygii ku guuleysto imtixaanka . 

WR Xasan Cali Kheye iyo Wasiirka waxbarashada ayaa soo kormeeray qaabka ay ardaydu imtixaanka ugu diyaar gaharoobeen iyo sida macalimiintu u soo dhigeen waxaa ayna su.aalo weydiinayeen qaar ka mid ah ardayda imtixaanku u socday iyo Masuuliyiinta ilaalineysa imtixaanka si aan loo qishin. 

Shirjaraid oo ay si wada jir ah u qabteen Wasiirka wasaarada Waxbarashadda Cabdiraxmaan Daahir Cusman iyo Gudoomiyaha Jaamaca Ummada Maxamed Axmed Jimcaale  ayuu gudoomiyuhu  ku sheegay in jaamacadu ay leeyihiin dhamaan Bulshada sooomaaliyed ayna waxbarasho lacag la,aan ah  iyo kuliyadii ay doonaan u soo codsan karaan. 

Wasiirka Waxbarashadda Cabdiraxmaan Daahir Cusman ayaa shaaciyey tirada ardayda ay wasaaradu gacanta ku heyso iyo kuwa ay rajeynayaan

waa markii ugu horeysay oo ay jaamacadi si lacag la,aan ah arday ku qaadato tan iyo wixii ka danbeeey burburkii dowladii dhexe ee soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.