Home Afsomali VIDEO Liiska Magacyada Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Jubaland ee Musharaxiintu ka soo...

VIDEO Liiska Magacyada Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Jubaland ee Musharaxiintu ka soo horjeesteen

hanka kale Qaar ka mid ah musharixiinta Maamulka Jubbaland ayaa si cad ah u qaadacay liiska magacyada uu ku dhawaaqay guddiga doorashada maamulka Jubbaland, kaasi  oo ka kooban 73 Xubnood, halka laba Xubnood ay ka  harsan yihiin.

Maxamed Ibraahim  Shakuul oo ka mid ah musharixiinta isbeddel-doonka Jubbaland ayaa sheegay in iyaga mowqifkooda uu yahay mid cad ,isla markaana gebi ahaanba aysan aqoonsaneyn Shaqa kasta oo ay qabtaan Guddiga Madaxa bannaan ee xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland.

Musharraxa ayaa sheegay  in Xildhibaannada aysan ahayn kuwii ay soo xuleen Odayaasha dhaqanka saxda ah ee dowlad Goboleedka Jubaland.

Guddiga doorashad Jubaland ayaa xalay shaaciyay liiska 73 xildhibaan oo ka mid ah 75 xildhibaan ee uu ka koobanyahay baarlamaan Goboleedka Jubaland.

Lama oga sida ay noqon doonto doorashada maamulka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.