Home Afsomali VIDEO Maamulka Cusub ee Gobolka banaadir ayaa furay kawaankii malaayga ee dagmada...

VIDEO Maamulka Cusub ee Gobolka banaadir ayaa furay kawaankii malaayga ee dagmada xamar weyne oo dib u dayac tir lagu sameeyey waxaana goob fagaare ah u dab ku qabadsiiyey daawooyin iyo alaabo kale oo waqtigoodii dhacay ( DAAWO SAWIRADA )

Masuuliyiin ka socotay Maamulka gobolka banaadir  iyo heyado si gaar ah loo leeyahay ayaa xariga ka jaray kawaanka hilibka malaayga ee dagmada xamar weyne iyada oo ay  ka soo qeybgaleen qaar ka mid ah gudomiye ku xigeenada maamulka iyo gudoomiyaha dagmada xamar weyne  kaluumeysato saraakiil ciidan dadweyne aad u tira badan iyo  masuuliyiin kale

Munaasabadda Xarig jarka Kawaanka malaayga ee Xamar weyne, ayaa waxaa ka qeyb galay, Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Kaluumeysiga Soomaaliya, Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Maamulka Gobolka Banaadir  Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulax, Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshadda Gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti , Guddoomiyaha Degmada Xamar weyne Cumar Shariif jeeg. Kawaankan oo in muddo ah Burbursanaa

waa kuwaan qaar kood oo goobta ka hadlay  ha ugu horeeyo gudoomiyaha dagmada xamar weyne ayaa si weyn u soo dhaweeyey waxayna sheegeen in ay sii wadi doonaan dalaalada dalka lagu dhisayo

dhanka kale dowlada hose ee xamar ayaa dab qabadsiisay daawooyin iyo agab kale kuwaas oo waqtigii la isticmaali lahaa uu dhamaaday waxaana goobta lagu gubayey ka hadlay agaasimaha waaxda caafimaadka ee dowlada afhayeenka Maamulka Gobolka banaadir iyo masuul ka socday hey.dii loo soo dhiibay daawooyinka dhacay waxaana goobta isu badeshay olol iyo qiiq uuro ah

Dawooyinka iyo qalabka ayaa waxaa dalka horay u keentay Hay’ad laga leeyahay dalka Ingiriiska, waxaana baaritaano lagu sameeyay ka dib laga soo saaray kuwo dhacay iyo qalab aan wanaagsaneyn kuwaasoo Maanta la gubay sida uu sheegay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka gobolka Banaadir.

Dr. Nuune ayaa u sheegay Waaxda Fayadhowrka  gobolka Banaadir ay Dekada u taagan yihiin inay Bulshada Soomaaliyeed ka badbaadiyaan dadka waxyaabaha qatarta ku ah dalka soo gelinaya.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.