Home Afsomali VIDEO Maaxaay oo ah Musharax u tartamaya in uu Noqoshado Madaxwenaha dalka...

VIDEO Maaxaay oo ah Musharax u tartamaya in uu Noqoshado Madaxwenaha dalka Soomaaliaya

Waa kii ay somali oo dhan iyo danyartu sugeysay  waa muwadin waxtarkiisu muuqdo waa guul somalida u soo hoyatay hadii xildhibaanadu codkooda siiyaan musharax madaxweyne Cabdicasiis Muuse Maaxaay

Marka aan dhameysto waqtiga la ii doortay waxaan dib ugu laaban doonaa Gurigii ijaarka ahaa ee aan mareykanka ka daganaa

Hadaan hanta raadir ahay waxaan iibsan lahaa cuntineeradii alaabadu ka buuxday ee aan dalka u geyn jira si taakuleyn ah .

Xildhibaan ha fiirinin hadii qarash lagu siiyey balse fiiri in dalkaagu hormaro waxaana kaga duwan musharaxiinta kale daryeelka dalka iyo dadka

Musharax Cabcasiis Muuse Maaxaay  oo ah samafale Somali mareykan ah ayaa isu soo sharaxay in uu dalka ka  noqdo Madaxweyne wuxuuna shir jaraid uu ku qabtay Magaalada Nairobi kaga dhawaaqay in uu yahay Musharax u tartamaya qabashada xilka madaxtinimo ee dalka

Musharax maaxaay ayaa faahfaahiyey ujeedka hankiisa siyaasaxdeed ee ku aadan sababata ku dhalisay in uu is-sharaxo qabashada xilka ugu sareeyo ee dalka iyo waxyaabaha uu u qaban doono  dadka iyo dalka soomaaliyeed .

Shirarkiisa jaraaid iyo su.aalihii ay saxaafadu weydisayna waxaa ka mid ahaa .

Cabdicasiis Muuse Maxaay waa musharax mudan in madaxweyne loo doorto wuxuuna  si kooban u xusay dhibanayaashii uu dalka dibadiisa u qaaday wadamadii uu geeyey iyo haatan haata waxa ay yihiin

Musharaxa qabashada xilka madaxweyne ee dalka somaliya Cabdicasiis Muuse Maaxaay bulshada Somaliyeed aad ayey u taqaanaa intooda badan wuxuuna ku howlanaa ku dhawaad 20 sanadooda u gargaarida dadka la ildaran cudurada dalka gudhiisa wax looga qaban waayey iyo bulshada inteeda danyarta ah waxaana uu ku muteysta soo jiidasho iyo kalsooni ka bedelan musharaxiinta kale ee dalka.

https://youtu.be/N5I81-k_a18

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?sort=dd&shelf_id=0&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.