Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa si gooni goonui ah hambalyo ugu diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Puntland.
Madaxweyane Farmaajo ayaa yiri “Waxaan Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Deni iyo K/xigeenkiisa Axmed Karaash ugu hambalyeynayaa xilalka loo doortay, anigoo xasuusinaya yididdiilada bulshada Puntland ee ku aaddan in ay deegaannadaas u horseedaan amni, caddaalad iyo horumar.”
Sidoo kale Raiisal wasaare Xasan Cali kheyre ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyey musharraxiintii xilka madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Golaha Wakiillada Puntland dadaalkii ay geliyeen sidii loo sii adkeyn lahaa dimuqraadiyadda qaan-gaarka ah ee ka jirta Puntland.
Madaxda qaranka ayaa u rajeeyay shacabka iyo maamulka Puntland isbeddel miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowladda Goboleedka Puntland.
Waxyna Alle uga baryeen Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo K/Xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday.