Home Afsomali VIDEO Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeyd oo loogu Baaqay in uu isku casilo...

VIDEO Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeyd oo loogu Baaqay in uu isku casilo 7 cisho Gudahood ( DAAWO SAWIRADA)

Waxgarad siyaasiyiin aqooyahano Xildhibaano ,wasiiro madaxda dhaqanka dhalinyaro haween ka soo jeedo maamulka Koofur galbeyd ayaa Muqdisho ku yeeshay Kulan ay aayaha iyo Mustaqbalkooda kaga arinsanayeen .

Kulanka ayaa ahaa Mid ay ku falanqeynayeen waxqabadkii madaxweynaha maamulkaas Shariif Xasan Sh Adan  oo ay u soo jeediyeen dhaliilo iyo waxqabad la.aan ku aadan intii u xilka haayey  .

Kulanka intii u socday waxaa kooxda shambal ay ku soo bandhigeen riyaad heeso iyo cayaaraha hidaha iyo dhaqannka ka turjumayey

 

Dhamaan masuuliyiintii goobta ka hadashay ayaa aragti midaysan ka qaatay in uu xilka isaga dago Shariif Xasan Sh adan mudo todobo cisho gudahooda ah

Waxaana Gabagabadii kulanka warmurtiyeed ay Shirka ay si wada jir ah uga soo saareen warbaahinta u faahfaahiyey Xildhibaan Garuun oo ka mid ah xildhibaanada maamulka Koofur galbeyd somaliya wuxuuna u qoraa sidatan .

1 Golaha Wakiiladda Koonfur Galbeed Soomaaliya 03/02/2017 BAYAAN Maanta oo ay taariikhdu tahay 03dii Febraayo 2017ka, waxaa bayaan wadajir ah soo wada saaray Wasiirada, Xildhibaanada, Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta, bulshada rayidka ah, culumaa’uddiinka, waxgaradka, Qurba joogta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku abtirsata Gobolada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Bayaankan oo nuxurkiisu yahay soo bandhigida dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee uu geystay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane. Shariif Xasan Sheekh Aadan kuwaas oo kala ah:

1. Madaxweynaha maamulka K/Galbeed oo mas’uuliyaddiisa aheyd u adeegida iyo ka shaqaynta danaha shacabka gobollada K/Galbeed, nasiib darro wuxuu gudan waayay waajibaadkiisa isagoo ku mashquulay doorashada Madaxda sare ee federaalka ee ka socota caasimada dalka, halkaas oo uu ka raadinayo dano siyaasadeed oo isaga u gaar ah, isagoo doonaya inuu baabi’iyo doorkii siyaasadeed ee Xildhibaanada Federaalka laga soo doortay Gobollada K/Galbeed Soomaaliya. Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed wuxuu ku bixiyay doorashadii Gudoomiyaha Golaha Shacabka in ka badan USD 1000,000/ hal milyan oo doolar, halka shacabkii uu magacooda kursiga ugu fadhiyay ay ku habsatay abaar, gaajo, cuduro iyo colaad iyagoo iyadoo maalinkasta ay dhimanayaan tiro dad ah, xoolahoodiina baqtinayaan ayna heysato Biyo iyo baad la’aan, wuxuuna lacagtaas ku bixiyay si loo doorto mudane aan u dhalan Gobollada uu mas’uuliyadiisa saaran tahay, isagoo mudnaantiisa tahay inuu door ku yeesho dowladda dhexe iskana indha tiraya maamulka uu madaxda ka yahay.

2. Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed wuxuu deegaanadooda ka soo kaxeeyay oo Muqdisho keenay qaar kamid ah odoyaashii dhaqanka kana mid ahaa 135ta, kuwaasoo ahaa biro mageydadii gobolada K/Galbeed ee 2 Soomaaliya si uu ugu fushado dano isaga u gaar ah, wuxuu deegaan ahaan u dejiyay goob aan amaankeeda la isku hallayn karin, qaraxii halkaa ka dhacay waxaa ku naf waayay Malaaq yada kala ah 1. Malaaq Malabow, 2. Malaaq Cabdirashiid, halka Malaaq Xasan Buule laga qaaday goobta isagoo dhaawac halis ah kuna geeriyooday Isbitaalka, ( Ilaah ha u naxariisto) waxaa kaloo goobta qaraxa ka dhacay laga qaaday malaaq Yuusuf Cabdiyow iyo Malaaq Cabdiyow Cali oo dhaawac ah, ilaahay caafimaad ha siiyee, haddaba waxaa is weydiin leh sababta odayaasha dhaqanka ee K/Galbeedna loo galiyay arrimo siyaasadeed oo aysan door ku lahayn, kana baxsan midka dhaqanka, halka odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay joogaan deegaanadii ay odoyaasha u ahaayeen.

3. Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed wuxuu mar walba Ku xadgudbaa sharuucda iyo qawaaniinta u degsan maamulka, waxaa ugu danbaysay ka dib markii kalfadhiga Baarlamaanka Maamulka K/Galbeed xeray iyadoo aysan fadhinin kooram (Guntan), isagoo uga dan leh inaan lala xisaabtamin, Furista iyo Xerista Kalfadhiyada Baarlamaanka maamulka wuxuu ku ansaxaa Guntan ama kooram, sida uu qabo Xeer hoosaadka Golaha.

4. Madaxweynaha Maamulka wuxuu u horseeday maamul xumadiisa in la joojiyo mashaariicdii iyo dhaqaalihii loogu deeqay maamulka K/Galbeed , halka loo ogolaaday Maamul Goboleedyada kale, taas oo sabab looga dhigay inuu buuxin waayay sharuudihii laga doonayay oo kala ahaa: a. Kabixida maamulka K/galbeed Kumeelgaarnimada. b. Dhisiddii hay’adihii Maaliyada iyo isla xisaabtanka. C. Xisaab celin la’aanta wixii horey loogu deeqay.

5. Iyadoo hubkii uu lahaa maamulka ee loogu tala galay sugida amniga deegaannada iyo gobollada K/Galbeed uu ku wareejinayo kuna hubeynaayo qabaa’ilada qaarkood kuwa kalena laga iibinaayo kooxaha nabad diidka ah, si qalqal loo galiyo nabad galyada deegaanadaas taasoo ujeedadiisu tahay inaan lala xisaabtamin maamulka, laguna mashquulo amni darrada Goboladaa.

6. Madaxweynaha wuxuu Gobolka Sh/Hoose ka qaataa canshuur aad u badan, taasoo aan waxba loogu qaban Bulshada K/Galbeed, isla markaana Madaxweynuhu wuxuu ka war haya isbaarooyinka yaalla waddooyinka halbowlaha u ah gobolka shabeelaha hoose, isu socodka dhulka Maamulka K/Galbeed, isbaarooyinkaas oo lacago baad ah looga qaado shacabka iyagoo kala kulma dhibaatooyin aad u badan.

7. Madaxweynaha Koofur Galbeed in ka badan boqolkiiba sideedan 80% waa uu kamaqan yahay xarunta Maamulka, wuxuu xarun KMG ah ka dhigtay caasimada Muqdisho, isagoo hore u soo wata dhamaan shaqaalaha 3 madaxtooyada K/Galbeed, wuxuu kaloo waqtigiisa ku dhameeyaa safaro dalka dibaddiisa ah kuwaasoo aan aheyn safaro shaqo oo aanay wax faa’iido ah ugu jirin Shacabka iyo Maamulka K/Galbeed, inta uu ka maqan yahay Baydhaba xarunta maamulka ma jirto Madaxweyne Kuxigeen sharci ah oo waafaqsan dastuurka siinaya awoodihii maamul si aanu u dhicin (Gap) ama firaaq.

Gunaanad Kadib markaan aragnay xasuuqii loogeystay Odoyaashii dhaqanka ee K/Galbeed iyo warbixintii hordhaca ahaa ee soo gudbiyeen guddiga loo xilsaaray baarista arintaas, Kadib markaan u kuurgalnay abaarta, colaada iyo dhibaatada heysata Shacabka kunool Gobolada K/Galbeed ee Soomaaliya isla markaana uu dayacay Mudane Shariif Xasan Sh. Aadan Mas’uuliyadii ka saarneyd wax u qabashada shacabkaa. Ka dib markay cadaatey daahfurnaan la’aanta maamulka K/Galbeed ayay hay’adaha iyo Beesha caalamka hakiyeen mashaariicdii iyo dhaqaalihii horey loogu ogolaaday Maamulka. Kadib markaan aragnay ku xadgudubka Dastuurka iyo sharuucda u degsan maamulka isagoo goorwalba curyaamiya madaxbanaanida hay’adaha Sharcidajinta iyo cadaalada si aan loo helin isla xisaabtan dhab ah. Kadib markaan helnay qataraha amni ee ku soo wajahan shacabka gobolada K/Galbeed iyadoo hogaanka maamulkana ku mashquulsan yahay dano dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo isaga u gaar ah. hadaan nahay Xildhibaanada iyo mas’uuliyiinta kale ee shirka wadatashiga kasoo qeyb gashay waxaa u soo jeedineynaa inuu iska casilo xilka uu hayo Mudane. Shariif Xassan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed Soomaaliya mudo (7) todoba cisho gudahooda..

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.