Home Afsomali VIDEO Madaxweynaha oo daahfurey shir dowlada fd iyo beesha caalamku uga wada...

VIDEO Madaxweynaha oo daahfurey shir dowlada fd iyo beesha caalamku uga wada xaajoonayaan abaaraha dalka ka jira

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Muqdisho ka furay Shir looga hadlayo Abaaraha Dalka ka jira oo u dhexeeya DFS iyo Beesha Caalamka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shir looga hadlaayo abaaraha dalka ka jira waxaa uu ka furayaa xarunta Xalane.

Waxaa ka qeyb galay Shirkaan xubno ka socda Beesha Caalamka iyo sidoo kale dawlad goboleedyada dalka ka jira.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya Wakiilo ka socda Beesha Caalamka, Hay’adaha gar gaarka iyo sidoo kale qaar kamid ah Madaxda Maamul goboleedyada dalka, waxaana shirka inta uu socdo looga hadli doonaa abaarta daran ee Soomaaliya ka jirta iyo sida loogu gurman karo dadka ay saameesay abaarta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shir gudoominaya shirkan goordhaw furmay ,waxaana hada socda khudbado ay jeedinayaan Madaxda kala duwan ee ka qeyb galeysa shirkan looga arinsanayo sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaarta daran saameysay.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.