Home Afsomali VIDEO Madaxweynaha Soomaaliland Weerar Ayaa Dhinac Walba Nooga Socdo”

VIDEO Madaxweynaha Soomaaliland Weerar Ayaa Dhinac Walba Nooga Socdo”

Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo Maanta gaarey deegaano ay duufaanta ku dhuatay ee Bariga Soomaaliland ayaa si kulul uga hadlay dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Muuse Biixi ayaa sheegay in haatan ay ku mashquulsan yihiin samatabixinta dadkiii ku waxyeeloobay roobabkii duufaanta watay ee ka da’ay bariga Soomaliland laakin weerar gardaro ah lagu soo qaaday.

“Anaga oo ku jirna gurmad ayaa waxaa weerar nooga yimid Soomaaliya halka Soomaali kale ay kacaawineyso,laakin waxay ahaataba waan is difaaceynaa mana jirto cid hor istaagi karta horumarka soomaaliland,dagaalka socda dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah ayaa jira laakin soomaaliland marwalba weey iska difaaceysaa weerraka uga yimid Soomaaliya ayuu yiri Muuse Biixi.

Sikastaba Maamulka Puntland oo dagaal kula jira Soomaaliland ayaa dhankooda wax ay sheegeen in ay guulo ka gaareen dagaalkii ka dhacay deegaanka tukaraq wallow weli warar madax banaan oo xaqiijinaya arrintaas aanan la helin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.