Home Afsomali VIDEO Madaxweyne Faramaajo Dadka laaluusha qaatay iyo kuwa Musuqmaasuqa sameeya iyaga oo...

VIDEO Madaxweyne Faramaajo Dadka laaluusha qaatay iyo kuwa Musuqmaasuqa sameeya iyaga oo maxaabiis ah ayaan beraha ku falaneynaa

Wuxuuna  salaam saraf ka qaatay Cutub ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa Madaxweynaha Salaam sharaf siiyey,waxaana intaasi ka dib uu tagey Xarunta tababarka Maxaabiista oo ay ku sugnaayeen Maxaabiis shaqeyneysa,Isagoo soo arkay una riyaaqay Agabyadda kala duwan ee Maxaabiista ay soo saaraan.

Madaxweyne farmaajo ayaa ciidanka asluubta ku amaanay xanaaneynta maxaabiista wuxuuna wacad ku maray in la ciqaabi doono cidii geysata Musuq maasuq iyo kuwa qaata laaluusha

Madaxweynaha ayaa ku booriyey ciidamada in ay ilaalliyaan xaquuqda maxaabista iyo xanaaneynta dhalinta aqoonta ee aa hayaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ahna Taliyaha ugu sarreeya Ciidamadda qalabka sida Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo  ayaa maanta Booqday Xabsiga dhexe ee Xamar,isagoo soo kormeeray qeybaha Xabsiga uu ka kooban yahay sida Qolalka ay ku xiran yihiin Maxaabiista, Xarunta Warshada tababarka Maxaabiista, Goobaha waxbarasho iyo xarumo kale, waxaana Madaxweynaha Xabsiga kusoo dhaweeyey   Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Wasiirka Cadaaladda Gen C/llahi Jaamac Ilka-jiir iyo Saraakiil kale.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa ka sheegay Munaasabad lagu qabtay Gudaha Xabiga dhexe in Taliska uu sameeyey Horumar aad u balaaran iyadoo Darruufo kala duwan ay jirreen, hadana hiigsiga Taliska Asluubta uu yahay mid sare.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa sheegay in  Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu u yeelan doonno ilgaar ah, Maadaama isaga uu kusoo koray Xarunta Agoonta Wiilasha ee Lafoole  oo ay maamulaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

‘Markii aan ku jiray Xarunta Agoonta Wiilasha ee Lafoole Barbaariyaasha joogay Xaruntaasi waxay sameyn jireen habeenkii markaan seexaneyno Caloosheyna ayey taaban jireen si ay u ogaadaan in ay gaajo na heyso iyo inkale, sidaas oo kale ayaan rabnaa in Maanta la sameeyo, ilgaar ah ayaana u yeelan doonnaa Arrimhaasi” ayuu yiri Farmaajo.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.