Home Afsomali VIDEO Madaxweyne Farmaajo oo Teleefoon kula hadlay Xulka 17 jirada Soomaaliya ee...

VIDEO Madaxweyne Farmaajo oo Teleefoon kula hadlay Xulka 17 jirada Soomaaliya ee Galabta Ciyaaraya dhamaadka Ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa teleefoonka Magaalada Gitega ee Dalka Burundi kula hadlay Macalimiinta iyo Ciyaartoyda Xulka da’yarta Soomaaliya ee Galabta qeybta ka ah ciyaarta kulanka ka dambeysta ee Ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika.Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu horreyn la hadlay Macalinka hoggaaminaya Xulka 17 jirada Soomaaliya Macalin Salaad Faarax Xasan, waxa uuna ugu hambalyeeyay dadaalka uu ku bixiyay in xulkeenna uu heerkaan soo gaaro, waxaana uu sidoo kale kula dardaarmay in dadaalka uu meeshiisa kasii wado.

“Waxaan ilaaheey idinkaga rajeynayaa guul in aad Koobka soo qaadaan oo aad dalkiina usoo hoysaan magac wanaagsan, dhallinyarada waa ku dhiirigallineynaa in ay si wanaagsan u cayaaraan maxaa yeelan magacii iyo astaanta dalka ayay hayaan” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Ciyaartoyda iyo Macalimiinta oo maqlay farriinta Madaxweynaha ayaa qaaday heesta astaanta qaranka ee Soomaaliyeey toosoo, Macalin Salaad oo ku hadlayay Magaca Xulka qaranka ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay dhiirigallinta iyo garab istaaga uu u muujiyay waxa uuna intaas raaciyay in waqtigii ciyaarta uu dhawyahay oo ay garoonka sii aadayaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu dambayn kusoo gabagabeeyay hadalkiisa duco iyo niyad dhis uu u muujiyay xulka da’doodu ka yartahay 17 sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.