Ciidamada ilalinta degaanka ama minishiibiyada ayaa u geysta falal argagax leh oo iskuugu jira dilal aan loo aabayeelin iyo dir dil hanjabaado joogta ah darawalada Mooto bajaajta kuwaas oo ka kooban bulshada qeybaheeda kala duwan .
arintaa oo ah mid ku soo Noqnotay Magaalada Muqdisho ayaan weli wax war ah ka soo saarin maamulka gobolka banaadir oo la aamin san yahay in ay ka soo baxdo amarka lagu ugaarsado milkiilayaasha iyo wadaasha moot dhugdhugleyda dadweynuhu ku diirsadeen howlada ay hayaan .
ciidankaan ayaa wadooyinka u istaaga galinka hore ee malintii kuwaas oo sheeda ka eegta xiliga ay shaqeynayaan ,magaalada oo dhan waa laga ogsoon yahay dhibka heysta reer mooto bajaaj in kasta oo oo aan yac laga dhihin munishiibiyada oo ay u hyeystaan in ay tahay cadowga kaliye ee ay leeyihiin waayo waxay ka shaqeeyaan meel kasta oo dadweynuhu weydiistaan in la geeyo iyo waqti kasta oo ay u bahdaan .
dilalka ay u geysanayaan minishiibiyadu darawalada mooto bajaajtu ma yara waana kuwa isa soo taraya meelaha lagu gaado waxaa ugu badan agagaarka dhismaha xarunta dowlada hoose guriga hooyooyinka aargada KM 4 isgoyska banaadir iyo goobaha ay ku badan yihiin ciidamada dowlada oo ay gabad ka dhigtaan .
qaarka mid ah dawayaasha oo laga qaatay linsinkii iyo moobaladii ayaan weydiiyey sababta waxayna
ii sheegeen in aanay jirin meel looga dacwoodo iyo sharci qabanaya askarta caadeysatay dilka iyo dhaca ay ku geysanayaa magaca Maamulka Gobolka banaadir .
Ciidamada dowladda ayaa awooda qoriga u adeegsada darawalada iyo shacabka, iyagoo inta badan falal dil bareer ah u geysta dhalinyarada ku shaqeysata gadiidka dadweynaha iyo Mootooyinka Bajaajka.
waxaan ka xusi karnaa Magaalada Muqdisho Waxaa ka Dhacay Dhacdo Dadka Reer Muqdisho ay Aad u Hadal Hayaan kadib Markii Nin Wade ka ahaa Mooto Bajaaj lagu Amray in uu Bixiyo Lacag 2 Dollar ah,
Labada Nin ee Askarta Dowlada Ayaa ninka ku Amray in uu Bixiyo Lacag Dhan 2 Dollar Hase Yeeshee Ninkii Mooto Bajaajta Watay ayaa u Sheegay in uusan Heesan Lacagtaasi Lakin uu Bixinayo 1 Dollar,
Hase Yeeshee Labada Nin mid kamid ah Ayaa Ninkii Xabad Kaga Dhuftay Madaxa Taasi oo keentay in Ninka Goobta uu ku Dhinto Hase Yeeshee Maxaa ku Dhacay labada Nin ee kale
waxaad maqleysaa Askari katirsan Ciidanka Minishiibada maamulka gobolka Banaadir ayaa la sheegay in uu dilay Wiilka dhalinyarada ahaa kadib markii ay ku murmeen lacag canshuur ah
Nin aan hubeysneyn oo sharciga ugu adag tahay maxaa loo nabar dhabaab ayuu yiri nin ka agdhawaa goob lagu dilay marxuum Mooto bajaaj watay oo sharci la weydiiyey ka dibna ay ciidamadu toogteen
Mooo bajaaj waxaa la ogsoon yahay in halkii ay ku badan tahay in nabadi taalo ayaa tani yareyneysaa hankii iyo rajadii ay lahaayeen shacabka Soomaaliyeed kani ma igu sawir baa mise waa waqti shaqo Taabid Iyo Bajaajle
waxa la weydiiyo waxaa ugu badan ba Bixisiay canshuurta dowlada ka hor inta aan ka weydiin sharciyada kale ee dowladu bixiso , Ilaa hada ma jirto Askari ka tirsan ciidamada dowladda oo sharciga loo soo taagay dil uu u gaystay darawal miskiin ah oo kaxaynaya mooto Bajaaj, waxaana dhacda inta badan marka falka dilka ah uu geysto Askariga uu ka baxsado goobta uu falka ka dhacay, xitaa hadii la soo qabto waxaa isbuucyo gudahood laga sii daayaa xabsiga uu ku xiranyahay.
waxaan so jeedinayaa in canshuurta loo cafiyo ama laga hakiyo tan iyo inta ay wax iska badalayaan si dhibku u yaraado
hadaba ciidankaani waxay risaas la beegsadaan darawada kaxeeye mootooyinka dadweynuhu raacaan ee arintaama ku haboon tahay in wax laga weydiiyo maamulka iyo ciidanka dowlada hoose ee Magaalada Muqdisho .