Home Afsomali VIDEO Marxuum Maxamed Qanyare Afrax oo Aas qaran loogu sameeyey Dayniile iyo...

VIDEO Marxuum Maxamed Qanyare Afrax oo Aas qaran loogu sameeyey Dayniile iyo Farmaajo oo ka qeybgalay ( DAAWO SAWIRADA )

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Salaadda Janaasada ku tukaday Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Qanyare Afrax.

Madaxweynaha iyo masuuliyiinta Marxuumka ku tukaday Salaadda Janaasada ayaa Alle uga baryey in uu u naxariisto, hoygiisana ka yeelo jannada. Sidoo kale, waxa ay samir iyo iimaan u rajeeyeen qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

Janaasada Marxuum Marxuum Maxamed Qanyare Afrax waxaa ka qayb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaannada Labada Gole, masuuliyiin heer Gobol ah iyo qaar ka mid ah duubabka dhaqanka.

 

WhatsApp Image 2019-06-30 at 9.45.28 AM
WhatsApp Image 2019-06-30 at 9.45.28 AM 1
WhatsApp Image 2019-06-30 at 9.45.29 AM
WhatsApp Image 2019-06-30 at 9.45.31 AM
WhatsApp Image 2019-06-30 at 9.45.28 AM
WhatsApp Image 2019-06-30 at 9.45.30 AM
WhatsApp Image 2019-06-30 at 9.45.29 AM

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.