Home Afsomali VIDEO Musharax isu taagtay xilka gudoonka ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed (...

VIDEO Musharax isu taagtay xilka gudoonka ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed ( DAAWO SAWIRADA )

Kulan laba geesood ah oo ay Muqdisho ku yeesheen Haween Xubno ka Ururka Haweenka qaranka Soomaaliyeed lana baxay isbedel doon ah Gudoomiyaha ururka haweenka Ku booriyey in ay deg deg u soo diyaariso dorasahada xilka Gudoomiyaha ururkaas waxayna dalbadeen in hogaanka isbedela lagu sameeyo .

Khilaf soo kala dhaxgalay Ururka haweenka qaranka ayaa ayaa sababay in ay soo degdegto eedeymaha loo jeedianyey gudoomiyaha waxayna sheegeen in ina badan xubnaha ururku doonayaan isbedel xaga hogaanka ah

Munaasibada oo aheyd mid lagu taagerayey musharax Deeqo Cabduqaadir Cali oo u taagan qabashada xilkaas  hedii doroasahda ay ku guuleysato ayaa waxaa ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee ururada haween weynaha soomaaliyeed oo la baxay Isbedel doon kuwaa  oo teegeero u muujiyey murasharax deeqo cabduqaadir Cali oo horey u soo qabatay xilka gudoomiyaha dagmada wardhiigley ee magaalada Muqdisho .

Haweenka shirka ka qeybgalay ayaa si aad ah u soo dhaweeyey musharaxnimada deeqo Cabduqaadir oo ay sheegen in ay tahay masuul ka soo bixi kara xilka ah gudoomiyaha Ururka Haweenka qaranka Soomaaliyeed .

Intii ay socotay Munaasibada ayaa dhanka kale loogu baaqay gudoomiyaha Ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Xaaji Axmed Gabale in ay xilka isaga degto maadaama uu dhamaaday xiligii loogu tala galay isla maraakan ay ku darsatay mudo todobo bilood ah .

Haweenka qaar ayaa ka biyo diiday in xil kordhin loo sameeyp batuulo Xaaji Axmed Gabale oo ay sheegeen in ay dooneyso in halsano xilka ay sii heyso taasi oo ay soo hor jeesteen .

Haweenka ayaa dowlada ugu baaqay in ay magaca Ururka Haweenka ku matali Karin ayna u aqoonsan gudoomiye sax ah maadaama u xilkii ka dhacay lana joogo Waqtigii  haweenku ku dooran lahaayeen gudoon cusub .

Musharax Deeqo Cabdiqaadir oo shirka Soo gunaanaday ayaa mahadcelin ka dib waxay sheegtay in ay diyaar u tahay qabashada xilka waxayna ku dhawaaqday in ay tahay Musharax u taagan in ay Noqoto gudoomiyaha Ururka haweenka qaranka soomaaliyeed ayna tahay doorashada mid ku qanceysa natiijada ka soo baxda

                                                   Dhamaad 

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.