Home Afsomali VIDEO naga Suga banaanbax lagu diidan yahay damaca Kenya ee Biyaha Somaliya...

VIDEO naga Suga banaanbax lagu diidan yahay damaca Kenya ee Biyaha Somaliya oo ka dhacay Magalaada Muqdisho ( DAAWO SAWIRADA

banaan-bax-5

Baananbax   loogu soo horjeedo in gorgortan iyo Wada hadal ay gasho Badda Soomaaliya ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Banaanbaxa ayaa dadku iskood isu soo abaabuleen , Waxaana ka qeyb galay shacab fara badan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir.

Sidoo kale Banaanbaxa ayaa waxaa ka qeyb galay madax ka tirsan Dowlada somaliya iyo madaxda maamul goboleydyada .

Shacabk ayaa watay boorar ay ku xardhan yihiin sida dowladda Kenya ay ugu soo gardarootay badda Soomaaliya.

Shacabka ayaa ku qeylinaayay badeeno iib mahan , mana aqbali doono in ay Kenya Qaadato badeena.

Ujeedka Banaanbax ayaa ah sidii Shacabka ku nool Muqdisho ay u muujin lahaayeen in ay diidan yihiin Damaca Kenya ee ah in Badda Soomaaliya ay Heshiis kala gashay Dowladdii KMG aheyd.

Sidoo kale Banaanbax kan lamid ah ayaa asna ka soconaya Magaalada Qardho ee Puntland sida ay sheegayaan Warar naga soo gaaray Gobolka Bari.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.