Home Afsomali VIDEO Qaabkii dalka Looga Saaray dowladihii Kuba iyo ruushka saraakiisha Ethipia oo...

VIDEO Qaabkii dalka Looga Saaray dowladihii Kuba iyo ruushka saraakiisha Ethipia oo tacsi u direy Fiidal castaro Lugtii uu ku lahaa dagaalkii 77

Saraakiisha Ciidamada Ethiopia  ayaa dhambaalkan tacsida ah u diray kuna soo  hadal qaaday taageeradii iyo taakulayntii uu Fidel Castro ufidiyay Ethiopia dagaalkii khadhaadhaa ee ay la gashay Somalia 1977.

Madaxda Ethiopia oo soo hadal qaaday kaalintii uu Fidel Castro ka qaatay dagaalkii 1977 ayaa dhambaalkooda kuyidhi sidan:

“Castro wuxuu ahaa saaxiibkii Itoobiya,uxuu Itoobiya ka caawiyay dagaalkii ay ku difaacanaysay midnimada dhulkeeda.Xidhiidhka xoogan ee ka dhaxeeya labada dal wuxuu baal dahab ah kaga yaalaa taariikhda labada dal,” sidaas waxaa yidhi madaxweynaha dalka Itoobiya Mulatu Teshome.

Raysulwasaare Hailemariam Dessalegn ayaa dhankiisa sheegay in Castro ahaa saaxiib weyn oo Itoobiya garab istaagay xil ay xaaladu ku xumayd.

“Castro wuxuu ahaa saaxiib weyn oo Itoobiya garab istaagay xili ay xaaladu ku xumayd,waligiis waa la xasuusin doonaa,” ayuu yidhi Raysulwasaare Hailemariam Deslegn.

 

Dagaalkii 1977-dii dhexmaray Itoobiya iyo Somalia ayaa wajigii hore waxaa ku guulaystay ciidamadii Somalia oo dhamaan gacanta ku dhigay dhulka ay Soomaalidu degto kadibna waxaa usoo hiiliyay xukumadihii shuuciga ahaa ee xiligaas jiray oo ay Cuba ugu horaysay kuwaas oo dhanka cirka ka duqeeyay ciidamadii Somalia kuna qasbay inay dib ugurtaan.

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.