Home Afsomali VIDEO Roob Dabeylo wato oo ku dhuftay Xeebaha Soomaaliland oo Bur-Buriyay kaasi...

VIDEO Roob Dabeylo wato oo ku dhuftay Xeebaha Soomaaliland oo Bur-Buriyay kaasi oo xoolo badan ku laayey halkaasi

Duufaanta Sagar ee ku  dhufatay Xeebaha Waqooyi iyo Galbeedka ee Somaliland ayaa dumisay 22 dugsi oo ku yaala gobolada Saaxil, Awdal iyo Salal isa uu ku waramaya Wariyaha KNN ee Soomaaliland.

Duufaanta ayaa goboladaas ku badneynd waxaana waxbarashadii ka joogsatay Kumanaan ardey oo waxbarasho kaga jiray dugsiyadii ay dhigan jireen.

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in goobaha caafimaadka iyo waxbarashada ay khasaare ba’an kasoo gaadheen duufaanta.

Goobaha waxbarashada iyo caafimaadka oo gargaar loogu sameeyo dadku markay masiibo dhacdo ayaa la waayay dhamaan dhismayaashii kuwaas oo burburay iyo qalabkii dhex yaalay oo ay daadadku qaadeen.

Lughaya, Gargaara, Geerisa, Bulaxaar, Ceelsheekh, Habaas weyn, Baki iyo deegaano kale oo ku teedsan xeebta ayay dugsiyadaasi ka dumeen.

Sidoo kale Duufaanta Sagar ayaa 38 qof ku dishay xeebta Somaliland, waxaa la laayahay 10 qof, gurmadkii u horeeyay oo ay ka qayb qaadanayaa diyaaradaha qumaatiga u kaca ee UAE ayaa dadkaasi gaadhsiinaya Timir iyo kooxo caafimaad.

Deegaanada qaar waxaa la sheegayaa in tuulooyinkii ay badda ku dareen Duufaantu.

Warsaxaafadeed ka soo baxay maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in 31 qof ay ku dhinteen roobabka dabaylaha watay halka afar ruux la la’yahay halka ay jiraan.

Waxaa jiraa khaasare badan oo isugu jira xoolo ku dhintay, beero iyo dhismayaal ay burburiyeen duufaanta. Waxaana la sheegay in khasaaraha uu sii kordhayo.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Zaylici ayaa kormeer iyo indho indhayn ku soo sameeyay deeganno iyo tuuloyin dhowr ah oo ay go’odoomiyeen duufaanta.

Wuxuuna sheegay in gurmad loo fidiyay dadka deegannada ay saameeyeen daadadka oo ka tirsan gobolka Awdal, Saaxiiil iyo magaalada Selel oo ka tirsan Zaylac

Waxaana gargaar la gaarsiiyay dadka ay fataahadaha ay saameeyeen halka kuwa ku xayirnaa halkaasi laga daad gureeyay.

Qaramada Midooobay waxay sheegtay in ilaa iyo hadda aan la garanaynin baaxadda ay gaarsiisantahay khaasahara ka dhashay fataahadaha ka dhashay roobabka dabaylaha watay ee Somaliland sababtoo ah dhuufaanta waxay burubur u gaysatay waddooyinka iyo isgaarsiinta deegannadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.