Home Afsomali VIDEO RW Kheyre Shaqada Waan ka eryayaa Sarkaalkii Ama Guduumiyihiii shaqadiisa dhaliilo...

VIDEO RW Kheyre Shaqada Waan ka eryayaa Sarkaalkii Ama Guduumiyihiii shaqadiisa dhaliilo aan ku arko amnigana wax ka qaban waaya

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre  ayaa Muqdisho kulan kula  qaatay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Taliyeyaasha booliska

waxaana ka soo qeybgalay  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir enj  Yarisow iyo taliyayaasha kala duwan ee Ciidamada Bolice-ka

Kulankan ayaa looga hadlay howlaha Ammaanka iyo siddii loo dardar gelin lahaa waxna looga badeli lahaa sida haatan yahay waxayna ugu danbeyntii ku ballameen in Ammaanka masuuliyad adag la iska saaro, ayna ciidamadu  naxariistaan dadka Shacabka ah.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ka hadlay ahmiyadda amniga Muqdisho, iyo ilaalinta  hantida Ummadda iyo sare u qaadista  kalsoonida shacabka, ayaa  amr ku bixiyey  in shaqada laga eryo cidii waajibaadkeeda gudan weyndo

Raisal wasaaraha ayaa u sheegay laamha amaanka in si dhab ah la iskula xisaabtami doono haddii ay timaado dulduleelo xagga amniga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.