Home Afsomali VIDEO sacuudiga oo xoolo ka qaadanaya Soomaaliya

VIDEO sacuudiga oo xoolo ka qaadanaya Soomaaliya

Xilli boqortooyada Sacuudi Arabia ay horay u joojiyeen  Xoolihii ay ka dhoofsan jirtay Dalka Soomaaliya ayaa waxaa dowladda Soomaaliya haatan ay heshiis Cusub oo KMG ah ka gaareen dib u soo celinta arrintaasi.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo Shir Jara’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dowladda Sacuudiga ay la meel dhigeen in inta lagu guda jiro Acmaasha Xajka ay sanadkaan loo dhoofiyo dowladda Sacuudiga xoolo gaaraya inkabadan 1 Million Neef oo Ari ah.

Sidoo kale Wasiir Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa hoosta ka xariiqay in ka Wasaarad ahaan ay dadaal ku bixin doonaan horumarinta  iyo kobaca dhaqaalaha Dalka , gaar ahaan faya dhoorka xoolaha si loo helo Xoolo
loo dhoofin karo caalamka intiisa kale taas oo kor u qaadi karta dhaqaalaha dalka sida uu yiri.

Tallaabadaan ay ku dhawaaqday Wasaaradda Xananaanada xoolaha ayaa timid xilli in muddo ah ay xayiraad saarneed Xoolihii loo dhoofin jiray  Boqortooyada Sacuudiga , maadaama Sacuudigu ku andacoonayay in Xoolaha laga keeno Soomaaliya ay faya dhoor ahaan yihiin kuwa aad u liita.

Hase ahaatee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ayaa cod dheer ku sheegtay in dadaal xoogan ay ku bixin doonto arrrimaha la xiriira Caafimaadka Xoolaha dalka si  dhaqaalaha dalka ay u kobciyaan marka la dhoofiyo.

Xoolaha ayaa ka mid ah ilaha dhaqaalaha ugu muhiimsan Dalka Soomaaliya , maadaama ay ka mid yihiin  waxa ugu badan ay ku tiirsan yihiin bulshada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.