shan ka mid ah musharaxiinta utar tameysa xilka madaxweyne nimo ee mamulka hirshabelle ayaa jeediyay khudbooyinkooda ugu danbeeyey ee lagu maanlansanaan ,waxaana ay ka hadleen wax qabadkooda siyaasadeed iyagoo kusoo bandhigay aaraah iyo fekrado kala duwan wuxuuna mid walba uu balan qaaday sida uu noqon doono hogaamintiisa xaga mamulka hirshabelle hadii la doorto .
waxaaka soo qeybgalay dhageysiga Qudbooyinka Musharaxiinta gudomiyaha barlamaanka hirshabelle iyo labadiisa ku xigeen xildhibaano masuuliyiin ka socota dowlada federaalka ee soomaaliya siyaasiyiin wax garad iyo marti sharaf kale oo munaasabada lagu casuumay ,
goobta ay khudbad jeedinta musharaxiinta ay ka dhaceysay ayaa amaankeeda si weyn loo adkeeyay taasi oo sahashay in khudbooyinka oo ay dhageysaneeyeen dhamaan xildhibaanada barlamaanka mamulka hirshabelle waxaana ay kusoo gaba gabowday sida loogu talagalay.
khudbad jeedinta musharaxiinta u taagan jagada madaxweyne nimo ee hirshabelle ayaa waxa ay aheyd sidaani
gudoomiyaha barlamaanka mamulka hirshabelle shiikh cusmaan barre maxamed ayaa digniin u diray musharaxiinta una sheegay in musharaxii la doorto hadii uu ka dhabeyn waayo balan qaadkiisa uu barlaamanka kalsoonida kala laaban doono
illaa 8 musharax ayaa u taagan xilka madaxweyne nimo ee mamulka hirshabelle waxaana maalinta sabtida ee inagu aadan la filaayaa in tartan adag ka dib uu mid kood uu kusoo baxo doorashada dhici doonta waxaana ay haatan taagan tagay ama la idooray ama daadku iqaad
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view