Home Afsomali VIDEO Sheikh Rusheeye Yare oo Muqdisho ka hirgaliyey Xarunta Cilaajka Dhaqan celinta...

VIDEO Sheikh Rusheeye Yare oo Muqdisho ka hirgaliyey Xarunta Cilaajka Dhaqan celinta daarul towba

Munaasibad balaaran oo lagu qabtay xarunta daarul towba ee Magaalada Muqdisho ayaa Xariga looga jarey Xarun cusub oo lagu soo kordhiyey Cilaajka Daaru towba

Xaruntaan ayaa lagu dhaqan celin doonaa rag iyo dumarka eheladooda iyo waalidiintooda uga caal waayeen waxyaabaha maanka dooriya iyo caasi waalidnimo

Furitaanka xarunta waxaa ka soo qeybgalay maamulka iyo macalimiinta xarunta cululmaaudiin kala duwan labaatameeyo da.kasta leh oo xarunta lagu dhaqan celinaayo iyo dadweyne aad u fara badan oo munaasibada lagu casuumay

 

Sheekh Cabdullaahi Cumar Daawlo (Sheekh Rusheeye yare) oo ka hadlay Munaasibada ayaa faahfaahiyey  ujeedka iyo danta laga leeyahay kulanka

Qaar ka mid ah culumadii furitaanka qeybta dhaqancelinta ka hadlay ayaa soo jeediyey wacdi iyo waano waxayna sidoo kale soo jeediyey muxaadarooyin la xariira in wanaaga la is faro xumahana la iska reebo

Ugu danbeyn waxaa munaasibada soo xirey Sheikh Xasan Alwaajidi oo qeyb ka noqon doono maamulka Xarunta Dhaqan celinta cilaajka daarul towba

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.