Home Afsomali VIDEO Shirkada isgaarsiinta Hormuud oo kenya ka dalbatay magdhowii qasarihii ay geysteen...

VIDEO Shirkada isgaarsiinta Hormuud oo kenya ka dalbatay magdhowii qasarihii ay geysteen ciidamada kenya ee ku sugan garbahaarey

Qeybaha kala duwan ee shirkada hormuud oo ay Ku jiraan masuuliyiinta dowlada oo Kenya ka dalbaday magdhowgii dadkii ay Ku laaysay gargahaarey iyo agabkii ay burburisay oo ay la socoto raali galin cadaaladana la la tiigsato ciidamadii falkaa ku kacay

waxayna shirkadu  Soo Bandhigtay Qasaaro Ey U Geysteen Ciidanka Kenya

Shirkada Isgaarsiinta Hormuud  oo shalay shir aan caadi aheyn oo xog wareysi ah ku qabatay Magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo, Jowhar, Beled Xaawo iyo Beledweyne ayaa soo bandhigay gabood falka ciidanka kenya ay kula kaceyn  xarumo ay shirkadda isgaarsiinta Hormuud ku leedahay degaano ka tirsan gobolka Gedo.

​Ujeedada kulankaan ayaa eheyd in Saamileyda Shirkadda Hormuud xog laga siiyo dhibaatadii ay ciidamada Kenya u geysteen afar xarumood oo ay leedahay Shirkadda.

Intii uu kulanka socday Saamileyda Shirkadda ayaa loo sheegay in malaayiin doolar ay ku qasaartay qalabka iyo agabka kala duwan  oo ay burburiyeen ciidanka Kenya.

Aftarta Xarun oo ay ciidamada Kenya burburiyeen ayaa waxay dhammaan ka tirsan yihiin gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya  waxayna kala yihiin xarumahaas:

  1. Khadiijo Haji,
  2. Ceel Baande,
  3. Dhamase, iyo
  4. Dhuuntoow.

Sidoo kole waxay sheegeen  in xarunta Shirkadda ku lahayd  deegaanka Dhuuntoow ay ciidanka kenya ku dileen injineero ka mid ah shirkadda iyo sidoo kale dad shacab ah.

Shirkadda Hormuud ayaa sheegtay in Xarumahaas la burburiyey ay sababtay in 40,000 qof ay waayeen isgaarsiin iyo biilashii loogu soo diri jiray adeegyada kala duwan ee Shirkadda bixiso.

Sidoo kale Shirkadda Hormuud ayaa sheegtay inay dacwad u gudbiyeen hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed  iyo Maamul Goboleedka Jubaland oo ay khuseyso arrintaas.

Dhamaadka kulankii xog wareysiga ahaa ee Saamileyda Shirkadda Hormuud ayaa waxaa shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda loogu baaqay inay ka dhiidhiyaan falkaasi, sidoo kole waxay dalbadeen  in cadaalada la horkeeno ciidanka Kenya ee ka dabbeeyey falkaasi.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Mudane Axmed Maxamuud Yuusuf ayaa u sheegay Saamilayda Shirkadda in dib loo dhisi doono loona howl galin doono xarumihii dhibku soo gaaray, wuxuu isla goobtaasi amar ku baxshay in si degdeg loo dhiso xarumihii la Burburiyey si Dadka ku nool deegaankaasi ay u helaan Adeegyad isgaarsiineed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.