Home Afsomali VIDEO Shirkii Golaha Wasiirada ee Xukuumada Somaliya oo lagu magacaabay taliyaasha ciidamada...

VIDEO Shirkii Golaha Wasiirada ee Xukuumada Somaliya oo lagu magacaabay taliyaasha ciidamada bolicxe-ka asluubta iyo Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ( DAAWO SAWIRADA )

Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo maanta shir Deg deg ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa meel mariyay magacaabista Taliyaasha ciidanka Nabad sugida ,booliiska Soomaaliya iyo Asluubta.

Taliyaha ciidanka Nabad sugida Soomaaliya ayaa loo magacaabay Xuseen Cusmaan Xuseen halka  Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa loo magacaabay Bashiir Cabdi Maxamuud ,

waxaa sidoo kale taliyaha Asluubta loo magacaabay Generaal Bashiir Goobe.

Xuseen Cusmaan Xuseen oo loo magacaabay Taliyaha Nabad sugida ayaa horey u ahaa Wasiir kuxigeenka Caafimaadka waxa uuna kasoo jeedaa Beesha Digil iyo Mirifle, Taliyaha  booliiska Bashiir Cabdi Maxamed ayaa isna kasoo jeeda Beesha Daarood Majeerteen, halka   Bashiir Goobe Taliyaha Asluubta uu kasoo jeeda Beesha Shanaad Ma Dhibaan.

Maareeyahay hey.adda isgaarsiinta qaranka Cabdi Sheikh

Xubnahan goordhaw loo magacaanay Taliyaasha ciidanka dowlada ayaa ahaa kuwa aan horey si weyn loogu hadal heyn magacaabidooda, waxaana dad badan lama filaan ku noqotay Taliyaashan cusub ee loo magacaabay.

5
6
8
11
12

Waxii warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.