Home Afsomali VIDEO Somaliya oo deyntii laga cafiyey lacag cusubna soo sameysaneysa

VIDEO Somaliya oo deyntii laga cafiyey lacag cusubna soo sameysaneysa

 

Wasiirka ayaa sheegay in dhawaan si dhaqsi ah loo soo daabacayo lacagta Shillin Soomaaliga, taasoo qeyb ka ah waxyaabaha lagu heshiiyay.

“Waxaa kaloo aan ka wada hadalnay in naloo daabaco lacagta Shillin Soomaaliga, talaabooyinka wixii nalooga baahnaa daabacada lacagtaasina waan buuxinay, waxaa ku baxaya lacag dhan 41 Milyen oo dollar, anaga ma haynee ee halkii laga keeni lahaa ayaan dadaalkeedii ku jirnaa”. ayuu yiri wasiirka Maaliyada.

Magaalada Nairoobi ee xarunta dalka Kenya ayuu sheegay in dhawaan ay kula shiri doonaan hay’adda lacagta addunka, si loo dhameystiro dadaalada ku aadan in Soomaaliya deynta laga cafiyo, taasoo uu rajo wanaagsan ka muujiyay.

“Bisha may ee soo socota todobadeeda waxaan isugu tagaynaa Nairobi, waxaan ka wada hadlaynaa inaan soo xirno wejigii hore ee tijaabooyinka ama imtixaanada deymaha nalooga cafinayo, waxaana ka mid ah horumarinta hanaanka maamul Maaliyadeed, waxaa kale oo qeyb ka ah in la mideeyo canshuuraha dalka, maadaama aanu nahay hal dal, waxaanu rajaynaynaa in sanadka dambe ay soo dhamaadaan dadaalada deymaha nalooga cafinaayo”. ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wuxuu soo hadal qaaday tirakoobka shaqalaaha dowladda iyo guud ahaan ciidamada marka laga eego xagga bixinta mushaharaadka,wuxuuna ku tilmaamay in ay qeyb ka tahay horumarinta hannaanka maamul maaliyadeed ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.