Home Afsomali VIDEO Tacsida Madaxweyna oo ku dhawaaqay sadax maalin oo baroordiiq ah iyo...

VIDEO Tacsida Madaxweyna oo ku dhawaaqay sadax maalin oo baroordiiq ah iyo calanka hoos loo dhigo

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq qaran ah oo ku aadan musiibadii ka dhacday Isgoyska Zoobe, halkaasoo gaari xamuul ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay.

Madaxweyne Farmaajo oo xalay saqdii dhexe shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ayaa ka tacsiyadeeyay dhammaan dadkii rayidka ahaa ee ku naf waayay qaraxyadaas, isagoo alle uga baryay in jannadii Fardowso ka waraabiyo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in weerarkan lala beegsaday dad aan waxba galabsan oo ku mashquulsanaa nolol maalmeedkooda caadiga, isagoo ku eedeeyay in Al-Shabaab inay weerarkan la beegsadeen shacab aan la waxba galabsan, oo ka turjumaya cadaawada ay u qabaan guud ahaan shacabka.

“Weerarkaan waa musiibo qaran oo aan ku waynay muwaadiniin aan waxba galabsan. Sidaas darteed, waxa aan ku dhawaaqaaya sadex maalmood oo baroordiiq qaran ah, calankana hoos loo dhigo”ayuu yiir Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan dadkii dhibaatadu ka soo gaartay qaraxyadan argagixiso, gaar ahaan dadka dhaawaca ah ee jiifa Hosbitaalada.

“Qaraxyadaan waxaa lala bartilmaamsaday waddooyinka ugu mashquulka badan caasumadda, waxaa lagu beegay xilligii ugu saxmadda badnaa taas oo muujinaysa inta ay le egtahay cadaawadda ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed, hadaba aan kaga guulaysanno midnimadeenna iyo wada jirkeena.”ayuu yiri Madaxweynuhu.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa ku amray laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay jawaab cad ka keenaan qaraxan, isla markaana ay kor u qaadaan howlgallada lagu xaqiijinaayo ammaanka muwaadiniinta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku booqday cisbataalka Ordogaan dadkii rayidka ahaa ee ku dhawaacmay qaraxii argagixisada ahaa ee lagu bartilmaamsaday isgooyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo qof qof u dul istaagay dadka dhaawacyadu soo gaareen ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan walaalahooda waxyeeladu ay ka soo gaartay falkaan wuxuushnimada ah ee ay soo maleegeen argagixisadu.

“Carruurta, haweenka, dhallinyarada, iyo odoyaasha halkan lagu daawaynaayo iyo goobaha kale ee ku waxyeeloobay qaraxii argagixisada ahaa waxa ay u baahanyihiin hiilkeenna. Waa in aan dareensiinaa in ay leeyihiin dad iyo dal jecel oo dhibaatada la qaybsanaaya.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale booqday isgooyska Soobe oo ah halka uu ka dhacay qaraxu, waxa uuna kormeeray baaxadda uu le egtahay khasaaraha iyo dhibaatada soo gaartay dadka maatada ah ee ganacsiga iyo deegaanka kulahaa halkaas.

“Argagixisadu waxa ay higsanaayaan in ay damiyaan ilayska dowladnimo ee inoo iftiimaaya, taasina ma ahan mid u suurta galaysa, sababtoo ah maanta waxa aan haynaa waddada aan kaga guulaysan lahayn oo aan ku cirib tiri lahayn dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan dadkeena iyo dalkeena, waddadaasina waa in aan midownaa oo si wada jir ah aan uga soo horjeesanaa cadawgaas.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeerkiisa ku soo gaba-gabeeyey Xarunta Keydka Dhiigga ee Cisbitaalka Ordogaan, halkaas oo uu dhiig u shubay muwaadiniinta dhaawacan, isagoona dhammaan ugu baaqay in si deg deg ah loo tago goobaha dhiig bixinta si gurmad dhiig loogu fidiyo dadka dhiigga u baahan.

DHAMMAAD-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.