Home Afsomali VIDEO Tiyaatarkaa Tacbaan ahee nimanki toosiyey u tilmaan iyo Safiirka shiinaha oo...

VIDEO Tiyaatarkaa Tacbaan ahee nimanki toosiyey u tilmaan iyo Safiirka shiinaha oo Xirtay dharka Hidaha & dhaqaanka Somalida

Safiirka Shiinaha dalka Somaliya u fadhiya oo sheegay in uu tababar xirfadeed u dalkiisa ugu qaadayo qaar ka mid ah xubnaha ururka haweenka qaranka Somaliyeed

Munaasabad balaran oo lagu wareejinayay qalab xafiised ay ugu tala gashay safaarada shiinaha ee dalka somaliya ururka haweenka qaranka ayaa maanta ka qabsoontay xarunta ururka haweenka qaranka soomaliya ee muqdisho.

munaasabadan ayaa waxaa kasoo qeybgalay madax ka tirsan xafiiska raisulwasaraha dalka somaliya safiirka dalka shiinaha u fahdiya somaliya diplomasiyiin ka socota safarada shiinaha xubno ka tirsan mamulka gobolka banadir iyo madaxda ururka hawenka qaranka iyo marti sharaf kale.

Goobta munaasabada lagu qabtay ayaa waxaa ammaankeeda sugayay ciidamo ka tirsan dowlada somaliya iyo ciidamo ka socday safarada shiinaha dadka.

safiirka dalka shiinaha Mr jiim Jaam ayaa kormeeray xafiisyada ururka haweenka qaranka iyo goobo lagu baro haweenka muqdisho mihnadaha lagu shaqeysto,

waxaana safiirka shiinada dadka uu gudoonsiiyay ururka haweenka qaranka somaliya qalab xafiiseed ay ugu deeqday safaaradiisa

Mr Jim Jaam safiirka dalka shiinaha ee somaliya ayaa kasoo dhex muuqday ciyaartoyda hidaha iyo dhaqanka ee barbaarta gaashaaman isagoona ka qeyb qaatay ciyaarta hidaha iyo dhaqanka oo goobta lagu soo bandhigay.

Gudoomiyaha ururka haweenka qaranka soomaliya marwo batuulo shiikh axmed gabale aya munaasabada ka jeedisay khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo ay uga hadashay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeya wadamada somaliya iyo shiinaha waxayna xustay mashaariicda uu shiinaha ka hirgeliyay wadanka somaliya

marwo batulo shiikh axmed gabale gudomiyaha ururka hawenka qaranka aya ka codsatay safirka shiinaha inuu baaqooda uu gaarsiiyo haweenka ku dhaqan dalka shiinaha si ay ogaadaan xaalada dhabta ay ku sugan yihiin haweenka somaliyed.

Khudbadii  batuulo shiikh axmed gabale oo dhameystiran 

BismillahiRahmaniRahimi                        2018.04.25

Mr. Qin Jian, ambassador of People’s republic of China to Somalia.

Your excellency:

BismillahiRahmaniRahimi                        2018.04.25

 

Mr. Qin Jian, ambassador of People’s republic of China to Somalia.

Your excellency:

 

Anigoo ku hadlaya magaca ururka Haweenka Soomaaliyeed iyo kan shacabka Soomaaliyeedba waxaan marka hore salaamayaa Safiirka sharafta badan ee u fadhiya Soomaaliya dowladda iyo shacabka qiimaha badan ee Jamhuuriyada shacabka ee dalka Shiinaha mudane  Qin Jian.

 

Waxaan xafladdaan u qabanay inaan uga mahad celino Safiirka iyo shaqaalihiisa iyo dhammaan dowladda iyo shacabka dalka shiinaha haddiyadii qaaliga ahayd ee ay noo fidiyeen.

 

Fiirinmayno cadadka iyo qiimaha haddiyadu joogto balse waxaan fiirinaynaa oo qiimaynaynaa qalbiga wanaagsan ee ka dambyeeya bixinta haddiyadaan.

 

Waxay dib noo xasuusisay saaxiibtinimada soojireenka ah ee ka dhaxaysay labada shacab ee Soomaaliya iyo Shiinaha.Waxaan wada ognahay in xiriirka Soomaaliya iyo Shiinuhu inuu Soo bilowday qarniyaal ka hor.

Waxaan xasuusanaa badmaaxii caanka ahaa ee Shiina ka ahaa ee Soomaaliya booqashada ku yimid sanadkii 1425. Mr. Zhanhe wuxuu booqday magaalooyinka Muqdisha, Merka, Seylac, iyo Berbera.Wuxuu ka tagay qoraallo taariikhi ah oo uu ku amaanay dadka iyo dalka Shiinaha.

 

Waxaa jirtay in xilliyadaas Soomaaliya  ay ahayd dal hodan ah oo deeq iskugu jirta cunto, xoolo nool, ugaar, iyo dhar siin jirtay dalal badan oo ay ka mid yihiin dalalka khaliijka carabta.

Qarniyaal la soo dhaafay waxaa Soomaaliya iyo Shiinaha ka dhexeeyey xiriir ganacsi, dhaqan, military, iyo saaxiibtinimo Siyaasadeed.

 

Isticmaarkii ka bacdi Soomaaliya iyo Shiinuhu waxay xiriirkii ug u horreeyey ee dibolomaasiyadeed is dhaafsadeen sanadkii 1960 oo ahayd markii ay Soomaaliya xorowday.

 

1963 waxay labada dal kala saxiixdeen xiriirkii ugu horreeyey ee ganacsi.Ilaa intii uu socday dagaalkii qaboobaa ee bari iyo galbeed labada dal waxay ku guuleysteen in joogteeyaan xiriir saaxiibtinimo oo aad u xooggan. Taasi waxay keentay in Soomaaliya u ololayso in dalka Shiinaha loo oggolaado inuu xubin ka noqdo jimciyada quruumaha ka dhexeysa sidaasna aan ku hesho codka diidmada qayaxan ee ay maanta leedahay.

 

Xilligaas ka bacdi dalka Shiinuhu wuxuu Soomaaliya ka fuliyey mashaariic ballaaran oo ilaa hadda lagu intifaaco. Waxaa ka mid ah jidka dheer ee isku xira koofurta iyo waqooyiga Soomaaliya, tiyaatarka, isbartiibada kubbada cagta, isbitaalbanaadir, jaamacadda umadda iyo mashaariic kale.

 

1977, markii xiriirka Ruushka iyo Soomaaliya kala go’ay waxaa mashaariicdii Ruushku waday la wareegay dalka Shiinaha oo dhamaystiray.

 

Tan iyo intii Soomaaliya gashay burburka dagaalka sokeeye dalka shiinuhu marna kama daalin mucaawinadii uu u fidinayey dadka Soomaaliyeed. Wuxuu kaloo shiinuhu taageeray dib usoo noolayntii qaranka Soomaaliyeed iyo ilaalinta midnimada Soomaalida.

 

Waxaa waqtigaan aan joogno aad u wanaagsan xiriirka labada dal. Dadka Soomaaliyeed waxay aad ugu hanwayn yihiin caawimaad uga timaadda xagga saaxiibadood dalka iyo dadka Shiinahasi ay Soomaaliya uga soo kabsato burburkii waynaa ee ku dhacay.

 

Mudane Safiir anigoo fursadaan ka faa’idaysanaya waxaan markale kuu muujinayaa adiga iyo shaqaalahaagaba xushmadaad u wayn iyo mahadnaq kaaga timid ururka Haweenka Soomaaliyeed oo ah hayad muhim ah oo ka tirsan haykalka dowladda Soomaaliyeed.

 

Mahadsanid

 

Zhonguo Wan Sui.

 

dhinaciisa Safiirka dowlada Shiinaha ayaa sheegay inay dib uu usoo celinayo Mashaariic la mid kuwii Taariikhda baalka ka galay ee Soomaaliya ay ka sameysay.

isagoo hoosta ka xariiqay in tababaro dalkiisa ah uu u qaadi doono xubno ka tirsan ururka haweenka qaranka somaliya

gaba gabada munaasabada ayaa safiir jiim jaam la gudoonsiiyay abaal marino kala duwan.

Khudbadii Safiirka shiinaha uu ka jeediyey Munaasibada oo dhameystiran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.