Home Afsomali VIDEO Waa goorma xiliga uu furmayo kalfadhiga aqalka sare

VIDEO Waa goorma xiliga uu furmayo kalfadhiga aqalka sare

Guddiga Joogtada ee Golaha Aqalka sare oo Kulan ku yeeshay Magaaladda Muqdisho

Kulan ay yeesheen guddiga joogta golaha aqalka sare BFS oo uu Shir guddoominayey guddoomiyaha golaha Aqalka sare Baarlamaanka ayaa ajandahu waxa uu ahaa Katashiga Furitaanka kalfadhiga 5aad ee aqalka Sare, ka doodista iyo Ansixinta qorshe howleedka kalfadhiga 5aad ee golaha .

Kulanka oo saacado qaatay ayaa markii uu soo gabogaboobay waxaa warbaahinta Qaranka la hadlay Hab-dhowraha golaha aqalka sare BFS Sen. cabdi kaafi macalin xasan, waxa uu sheegay in fadhiga looga dooday ajandaha horyaala oo ay ugu muhiim sanayd Furitaanka kalfadhiga 5aad, isaggoo hadalkiisa sii raaciyay in la Go’aamiyay furitaanka 16ka bishan oo ku beegan maalinimada Sabtida.

Dhinaca kale guddoomiyaha golaha aqalka sare BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dawladda aan walaalaha nahay ee jabuuti u fadhiya Soomaaliya Danjire Aadan Xasan, iyaggoo labada Masuul ka wada hadlay xiriirka walaalnimo ee soo jireenka ah ee Labada dal ka dhaxeeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.