Home Afsomali VIDEO Ururka Haweenka Qaranka oo ku Baaqay in la Taageero Dowlada FD

VIDEO Ururka Haweenka Qaranka oo ku Baaqay in la Taageero Dowlada FD

Kulankaan  ay isug yimaadeen xubnaha ururka haweenka Qaranka somaliyeed ayna Shir gudoomineysay gudoomiye batuula Sheikh Axmed gabale ayaa waxaa uu ka dhacay Xarunta ururka haweenka ee Magaalada Muqdisho  waxaana ka soo qeybgalay gudoonka sare ee ururka oo ay ku jiraan masuuliyiinta ururkaas.

Gudoomiye ku xigeenka Ururuka Amina maxamed mursal ayaa ku soo dhaweysay Gudoomiye Batuulo waxayna ku tilmaanta safarka Gudoomiyaha guul u soo hoyotay haweenka Somaliyeed .

Gudoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Batuulo Xaaji Axmed Gabale  ayaa faahfaahisay safar ay ku aadya Qaar ka mid ah wadamada carabta iyo shir ay dowlada somaliya u mataleysay oo ay uga qeybgashay dalka Shiinaha dadka magaalad madaxdiisa ee bajiin

Batuulo ayaa ka sheekeysay xaalada ururka haweenka iyo arigtida wadamada caalamku ka heystaa Guud ahaa bulshada somaliyeed gaar ahaana haweenka waxayna walaac xoogan ka muujisay dhibaatooyinka ragaadiyey haweenka iyo dhalaanka somaliyeed oo ay xustay in ay gaartay heerkii ugu hooseeyey

Qaran jabka ku dhacay somali dhamaanteed waa weyneynta iyo Aminsanaanta qabiilka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.