Tababar ku saabsanaa Xalinta Khilaafaadka iyo Nabadeynta Beelaha Soomaliya oo Muqdisho loogu soo Xeray Guddi ka tirsan Haweenka Qaranka Soomaaliya
Shan xubnood oo ka tirsan ururka haweenka qaranka somaliya ayaa maanta loosoo xeray tababar ku saabsana xalinta khilafaadka iyo nabadeynta beelaha soomaaliyeed kuwaasi oo ka tirsdan gudiyo loo xilsaaray sidii ay uga shaqeyn lahaayeen baahinta nabada waxaana loo tababaray in ay gaarsiyaan barnamijka nabad iyo nolol oo uu horay ugu dhawaaqay madaxweynaha jamhuriyada somaliya maxamed cabdulahi farmaajo haweenkan tababaraka ayaa ka howlgali doona degaanada shanta maamul goboled ee dalka ka jira
Masuuliyiin ka tirsan ururka haweenka qaranka soomaaliya madax ka socota qaramada midoobay qeybta horumarinta haweenka iyo dhalaanka ayaa xeritaanka tababarka kasoo qeyb galay
Shikra boss oo ah haweeney u qaabilsan qaramada midoobay arimaha haweenka ayaa hambalyo udirtay haweenka qaranka somaliya guulihii ay kasoo hoyeen howlaha ay ka qabtan magalada muqdisho
Gudoomiye ku xigeenka ururka haweenka qaranka somaliya marwa madiina maxamed warsame oo shir jaraaid ku qabatay xafiisked ayaa faahfaahisay qaabka ay u howlgalayaan gudiyada shanta ah ee laga soo dhex xulay haweenka qaranka somaliya.
Ururka haweenka qaranka somaliyed ayaa magalada muqdisho ka sameyay howlo muuqda waxana ay sheegen inay ka qeyb qaadanayaan horumarka dalka