Home Afsomali VIDEO Ururka haweenka “Waxaan Muqdisho Ku soo Dhaweynay Taalo Nool

VIDEO Ururka haweenka “Waxaan Muqdisho Ku soo Dhaweynay Taalo Nool

Duuliye Sare Asli Xasan Cabaade oo ah gabadhigii ugu horeysay ee diyaarad duulisa kana tirsaneyd ciidanka Cirka Soomaaliyeed  ayaa ka soo degtay groonka Diyaaradaga ee Magaalada Muqdisho .

Duuliye sare Asli Xasan Cabeed ( Asli Calansida) ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey qaarka mid ah Xildhibaanada iyo wasiirada dowlada somaliya ururka Haweenka Qaranka Somaliyeed iyo dadweyne kale oo ruxayey Caleemo qoyan .

Gudoomiyaha Ururka haweenka Qaranka Somaaliyeed Batuulo Xaaji Axmed Gabale ayaa ka sheekeysay waxyaabihii ay ka xasuusatay howlihii duuliyenimo ee Asli xiliyadii Munaasibadaha waxayna intaa ku dartay in ay dhawaan duulimaad Muqdisho ka sameyn doonto .

Duuliye Asli ayaa ka mahadcelisay munaasibada soo dhaweynta loogu sameeyey gudaha Garoonka waxayna sidoo kale ka hadashay dareenkeenkeeda ku aadan imaatinka Muqdisho iyo saameynta ay ku leedahay

Qaarka Mid ah haweenkii soo dhaweynta ka qaatay oo tilmaamay sida ay u jecel yihiin  ayaa ku Macneeyey  in ay soo dhaweynayaa taalo Nool.

Asli Xasan Cabaade (Calansido) oo ka mid ah haweenka Taariikhda ku leh Soomaaliya ayaa maanta ku soo laabatay magaalada Muqdisho, waxaana si diiran u soo dhaweeyay haweenka Qaranka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Asli waxay noqotay taariikhda gabadhii ugu horeysay ee Soomaaliyeed ah oo diyaarad dagaal duulisay, iyadoo xubin firfircoon ka ahayd duuliyaashii ciidanka Cirka Soomaaliya xiligii berisamaadkii, waxaana burburkii dowladii milatariga ka dib Asli ay aheyd hooyo u ololeysa nabad iyo isu keenida bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Batuulo Axmed Gabale ayaa ka hadashay soo dhaweynta ay maanta u sameeyeen Asli Cabaade, waxayna sheegtay in Asli ay tahay wadaniyad astaan u ah Qaranka

Asli Xasan Cabaade oo iyana saxaafada la hadashay ayaa si khiiiro ku jirto ugu mahad celisay dhamaan bulshada ka qayb qaadatay soo dhaweynteeda.

Waxay intaa ku dartay ujeedada safarkeeda uu la xiriiro martiqaad ay heshay dowlada Somalia iyo sidii ay ugu kuurgeli laheyd horumarka iyo nabada ka jirta dalka, waxayna sheegtay iney diyaar u tahay iney bulshada Soomaaliyeed la wadaagto wixii khibrad iyo aqoon ah ee ay leedahay.

“Waad Mahadsan tihiin sida wanaagsan oo aad ii soo dhaweyseen waana ku faraxsanahay inaan maanta ku soo laabto dhulkeyga hooyo, dhamaantiina waan idinkaga mahad-celinayaa” sidaasi waxaa tiri Asli Xasan Nuur.

Bishii September 1976-dii ayay aheyd markii Asli Xasan Nuur ay hawada la gashay Diyaaradii ugu horeysay, inay duuliye noqotana waxay u gashay dadaal aad u balaaran iyadoo ku soo kortay Xerada Ciidammada Cirka ee Afisiyooni.

Muddooyinkii ugu danbeeyay waxay Asli ku nooleyd gobolka Texas ee dalka Mareykanka, iyadoo ka mid ah howlwadeenada isbitaal magaaladaas ku yaalla oo lagu daweeyo caruurta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.