Home Afsomali VIDEO WAR-MURTIYEED Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka ee dhacay Muqdisho

VIDEO WAR-MURTIYEED Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka ee dhacay Muqdisho

Soomaaliya iyo saaxibadeeda caalamku waxay 1dii iyo 2dii bishan Octoobar 2019 kulan ku qaateen magaalada Muqdisho, kulankaasoo  ah kii 4aad kulamadii Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka.  Ka soo qeybgalayaasha waxay aad uga hadleen horumarkii la sameeyay tan iyo kulankii ugu dambeeyay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka ee dhacay bishii Luulyo 2018 oo la isku raacay in si wadajir ah loo qaado tallaabooyinka mudnaanta  leh ee lagu abbaarayo caqabadaha  harsan.

Saaxiibada Caalamka waxa ay qireen waxqabadka ay sameeyeen Soomaalidu, waxayna madaxda Soomaalida  ku bogaadiyeen horumarkii weynaa ay ka sameeyeen dib u habeynta iyo kor u qaadista Maareynta Maaliyada Dowladda iyo kobcinta dakhliga canshuuraha, wada-tashigii laga sameeyay Qorshaha  Horumarinta Qaranka, dib u habeyntii ballaarneyd ee laga sameeyay Amniga, guulihii laga gaaray howlgalladii dib u xureynta iyo xasilinta goobihii gacanta ugu jiray alshabaab, kor u qaadistii lagu sameeyay adeegyada bulshada iyo hormarkii laga gaaray dib u heshiisiinta meelaha qaarkood.

Sidoo kale, waxaa harsan dhowr caqabadood oo ay ka mid yihiin baahida loo qabo shaqa abuurka, kobcinta dhaqaalaha, sii wadidda dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, iyo u gurmashada  dhibaatooyinka banii’aadannimada,  u diyaargarowga iyo u adkeysiga musiibooyinka, sameynta asaaska siyaasad loo dhanyahay, xoojinta ixitraamka xuquuqul insaanka,  ka qeyb gelinta iyo matalaadda howeenka iyo beelaha dadka laga tirada badanyahay.

Soomaaliya iyo saaxibadooda caalamka waxay isku raaceen isla-xisaabtan loo wada dhanyahay oo lagu soo koobayo si wadajir ahna diiradda loogu saarayo meelaha mudnaanta u leh tallaabada la rabo in la qaado iyo dhaqaalaha lagu qabanayo si loo xaqiijiyo mudnaanta lafdhabarka u ah natiijooyinka loo baahan yahay in la gaaro ka hor Bisha Diseembar 2020. 

Saaxiibada caalamku waxay hoos ka xariiqeen, marka laga reebo horumarka laga gaaray ahmiyado dhowr ah, in la xoojiyo wadashaqeynta dhanka siyaasadda ee Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada. Madaxda Soomaalidu waxa ay isku raacday ahmiyadda gaarka ah ay leedahay wadashaqeyntaas si horumar looga gaaro arrimaha siyaasadda, arrimaha amniga, dib u habeynta dhaqaalaha, iyo in ay arrimahaas u baahanyihiin ka go’naansho adag ee madaxda oo dhan ee dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay si guul ah ku soo afjarto howlgallada amniga ee socda, in ay qaaddo howlgallo kale oo ka dhan ah Alshabaab iyo  in ay dhammeystirto dib u habeynta mudnaanta u leh amniga, caddaaladda iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha. Iyadoo diiradda lagu hayo arrimaha kor ku xusan ayaa 2020 si wadajir ah la iskula aqoonsanayaa loona qorsheynayaa, si loo xaqiijiyo in dhammaan qeybaha ku shaqada leh ay mideeyaan dadaalladooda iyo dhaqaalaha ay haystaan inay ku bixiyaan meelihii lagu heshiiyay.

Saaxiibada Caalamka ah ee Soomaaliya waxaa ka go’an in ay taageeraan sidii loo heli lahaa ciidammo amni  oo u hoggaansan  dhowrista xuquuqda aadanaha taas oo ay ka mid tahay  xuquuqda dadku u leeyihiin helista caddaalad, kana shaqeeyaan xaslinta goobaha dhowaan laga xoreeyay argagixisada, iyo geeddi socodka dib u haybenta  shaqaalaha iyo hagaajinta habka mushaar bixinta ciidamada.

Soomaaliya iyo saaxiibada caalamku waxa ay ku heshiiyeen in ay ka wada shaqeeyaan qaadista tallaabooyin dheeri ah oo lagu xaqiijinayo xaalad kala guur oo xasilloon oo ay AMISOM arrimaha amniga dalka ugu wareejineyso Ciidammada Amniga Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la qaadi doonaa tallaabooyin wada jir ah oo ay hormuud ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo xaqiijiyo geeddi socodka doorashooyinka federaalka iyo xoojinta amniga caasimadda.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay si buuxda u xaqiijiso halbeegyada barnaamijka deyn cafinta ee hay’adda lacagta adduunka ( SMP4) iyadoo saaxiibda caalamkana ay ka go’an tahay in ay si firfircoon uga taageeraan Dowladda Federaalka Soomaaliya sidii ay u xaqiijin lahayd halbeegyadaas; iyadoo lagu dul dhisayo guulaha la gaaray iyo in la qaado talalabooyinka lagama maarmaanka ah, si loogu diyaar garoobo go’aannada muhiimka ah ee 2020 ee la xiriira deyn cafinta waddammada saboolka ah.

Saaxiibada caalamku waxa ay soo dhoweeyeen kulan howleedkii Addis Ababa ee ku saabsanaa geeddi socodka deyn cafinta, waxa ayna ku dhiirri geliyeen Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah in ay sii wadaan  dadaalladooda heerka siyaasadeed, si loo xoojiyo loona horumariyo hannaanka maaliyadeed ee heerarka kala duwan ee dowladda.

Si loo xaqiijiyo in dowladda Soomaaliya ay qabato doorasho qof iyo cod ah dhammaadka 2020 iyo horraanta 2021 waxaa  ka go’an hay’daha fulinta iyo xeer dejinta dalka in ay meel mariyaan sharciga doorashooyinka bisha December 2019.

Soomaaliya waxaa ka go’an in ay dhammeystirto dib u eegista dastuurka bisha June 2020, ansixinta dastuurka ka dib marka wax ka baddelis lagu sameeyo, in la dhiso Maxkamadda dastuuriga ah iyo Golaha Adeegga Garsoorka, sii wadista geeddi socodka dhab-u heshiinta Qaranka. iyo xaqiijinta ka qeybgalka dhammaan qeybaha bulshada, oo ay ka mid yihiin haweenku, gaarista go’aannada siyaasadeed ee dalka.

Saaxiibada caalamku waxa ay oggolaadeen  in la dhiirri geliyo wada xaajoodka, ka qeybgalka siyaasadda iyo uruurinta dhaqaale dowladdu ku maalgeliso ansixinta shuruucda mudnaanta gaarka ah leh si loo taageero howlaha la soo sheegay, iyo in laga caawiyo Soomaalia in howlahaasi ku qabsoomaan xilliyadii loo qorsheeyay.

Soomaaliya waxaa ka go’an in ay mudnaanta koowaad siiso xoojinta dhallinyarada iyo in loo abuuro fursado shaqooyin. Iyadoo la dhisayo u adkeysiga, loona marayo badbaadinta bulshada, in loo helo xal waara arrimaha qaxootiga,  dadka waddanka dib ugu noqonaya iyo barakacayaasha gudaha; iyadoo la xushmeynayo, mabaadi’da bani’aadamnimada iyo shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha; iyo in la kordhiyo adeegga bulshada.

Taas oo noqonaysa   in si wanaagsan isula jaanqaadaan taageeridda arimaha horumarinta mudnaanta la siinayo qorshaha horumarinta qaran ee 9aad, xoojinta awoodda dowladda si ay ku bixiso adeegyada bulshada, si kor loogu qaado awoodda baniaadmnimo, gaar ahaan in la buuxiyo, inta ka dhiman kaalmada qorshaha baahida bani’aadamnimada ee 2019. 

Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka waxaa ay isku raaceen in si wadajir ah ay wax uga qabtaan maareynta biyaha, horumarinta shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay, is-dhexgalka ganacsiga gobolka, iyo hagaajinta kaabayaasha adeegyada. Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay ku talo jirtaa in sameyso, siyaasad qaran oo lagu xallinayo is-beddelka cimilada iyo in ay sameyso shuruuc dhiirrigalineysa shaqo abuur .

Soomaaliya waxaa ay sameysay horumar sanooyinkii la soo dhaafay taas oo ay mahadeeda leedahay iskaashigii xoogannaa ee u dhaxeeyey Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka. 

Waxaa ay isku raaceen in ay xaqiijiyaan isna waafajiyaan dadaalladooda, iyada oo kor loo qaadayo isticmaalka nidaamyada dalka, in la meelmariyo lana hirgaliyo, hannaanka sharciga qaranka ee lagu maamulayo hey’adaha qaranka iyo hey’adaha caalamiga ah, taas oo ay ku jiraan in loo sameeyo shuruuc badbaadineysa hey’adaha aan dowliga aheyn, iyo sidoo kale in lagu daro, dastruurka ku meel gaarka ah iyo sharciga xuquuqal aadanaha, iyo in hey’adaha aan dowliga aheyn ay ku dhaqmaan shuruucda dalka.

Madashu, waxaa ay xaqiijineysaa ballanqaadyada dhammaan ka qeybgalayaasha madasha iskaashiga saaxiibada caalamka iyo mabaad’ida ku saleysan hanaanka isla xisaabtan loo wada dhanyahay si kor loogu qaado dadaallada wada-jira ee ku aadan mustqabalka ifaya ee Soomaaliya.

Ka qeybgalayaasha madashu waxaa ay bogaadiyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dalalka ugu yaboohay ciidamada AMISOM sida geesinimda leh naftooda ugu huray soo celinta nabada Soomaaliya,  Soomaaliya waxaa ay caddeyneysaa in ay Sharaf iyo qadarin u heyso dhammaan saaxiibada  caalamka ee taageerada kula garab istaagay dib u dhiska dowladnimada, horumarka xasiloonida si ay ugu naaloodaan dhaan shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.