Home Afsomali VIDEO Wasaarada Waxbarashada Somalia Oo Lasoo Wareegtay Dhul Ka Maqnaa 27 Sano

VIDEO Wasaarada Waxbarashada Somalia Oo Lasoo Wareegtay Dhul Ka Maqnaa 27 Sano

Maamulka degmada Hodon oo uu hogaaminayo gudoomiyaha dagmada Maxamed Axmed Cantoobo ayaa maanta ku wareejiyay Wasaaradda Waxbrashada Hidaha iyo tacliinta sare Xaruntii ay ku laheyd xaafadda taleex ee degmada Hodan ee Gobolka Banaaadir.

Xarunta Maanta lagu wareejiyay Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ayaa waxaa degenaa dad Shacab ah oo maamulka degmada uu ka codsaday in ay ka guuraan Madaama ay tahay Xarun dan-guud.

Xilligii ay dhisnayd dowladda dhexe ee dalka, Waxaa xaruntan  deganaan jiray masuuliyiinta ugu sareeysa Wasaaradda Waxbarshada hiddaha iyo taclinta sare, waxaana ku dhawaad 30 sano degenaa dad shacab ah.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Daahir Cismaan ayaa sheegay in xaruntaan lagu sameyn doono dayactir, islamarkaana uu kaga mahadcelinayo maamulka degmada Hodon dadaalka ay muujiyeen.

Wasaaradda Waxbarashada hiddaha iyo taclinta sare ayaa dhawaanahaan waday qorshayaasha lagu tayaynayo Waxbarashada Dalka iyo dib u dhiska xarumihii ay laheyd Wasaaraddu si loogu adeego Bulshada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.