Home Afsomali VIDEO Wasiir Maareeye oo si rasmi ah ula wareegay xilka Wasiirka ganacsiga...

VIDEO Wasiir Maareeye oo si rasmi ah ula wareegay xilka Wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha ( DAAWO SAWIRADA )

RW ku xigeenka Xukuumada fadaraalka Somaliya ayaa qeybgalay Xaflad ay xilka kula kala wareegayeen wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Khadro Axmed Ducaale iyo wasiirka cusub ee dhawaan loo magacaabay Wasaaradaas Maxamed Cabdi Xaiyr Maareeye oo ka dhacay xarunta Wasaaradaasi oo ka dhacday magaalada Muqdisho .

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Ra’’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Qadar,Wasiiro  wasiir kuxigeeno ,Wasiiru Dowlaha xubno katirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Khadra Axmed Ducaale Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa ka hadashay waxqabadkeedii mudadii ay xilka haysay,waxaana ay sheegaty in ay ku guuleysatay howlo badan oo horyaalay Wasaaradda,iyada ugu mahadcelisay dhamaan mas’uuliyiintii la shaqeysay mudadii ay xafiiska joogtay dowrkii ay ku lahaayeen dardargelinta howlaha Wasaaradda.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Maxmed Cabdi Xayir Maareeye ayaa uga mahadceliyay Wasiir Khadra waxqabadkeeda,isagoo balanqaaday in uu ku dadaali doono sidii loo horumarin lahaa waa jibaadka loo igmaday.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) ayaa ku ammaanay Wasiirka hore ee Wasaaradda Ganacsiga Khadro Axmed Ducaale,gudashada Waajibaadkeeda shaqo,wuxuuna dhanka kala kula dardaarmay Wasiirka cusub Maxamed Cabdi Xayir Maareeye in uu waajibaadkisa uu si hufan u guto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.