Qaar kamida dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ayaa gurmad Caafimaad loogu qaaday dalka turkiga
Madaxweynaha Turkiga ayaa ku amray in ay viso la,aan ku qaadaan dadka dhaawacyad ah waxaana Garoonka Aadan cadde ka qaaday Diyaarad qaas laga soo diray Wadanka Turkiga oo ay la socdaan Wasiirka Caafimaadka dhaqaariir iyo Howlwadeeno kale .
Garoonka Diyaaradaha ayaa waxaa ku sii sagootiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,Kuxigeenkiisa,Wasiiro XIldhibaano siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah ehelelada dadka dhaawacyada qaba .
Dadka la qaaday ayaa gaarayay 40 Qof halka mid ka mid ah uu ku geeriyooday gudaha diyarada sidaana looga tagay isaga oo meyd ah ,
Gudoomiyaha Gudiga gurmadka ee qaraxii zoobe ahna RW ku xigeenka xukuumada somaliya Mahdi axmed Guuleyd oo warbahinta kula hadlay Gudaha madaarka Muqdisho ayaa sheegay in dadkaan dhaawaca Qaba loo qaadago dalka turkiga isla markaana u mahad celiyay Masuuliyiinta dowlada turkiga oo uu ugu horteeyo Madaxweyne rajab dayib ordagaan sida ugu soo gurmaday ummadda soomaaliyed.
wuxuuna shacabka soomaaliyeed ka dalbaday in ay taageeraan dowlada si loo soo celiyo amaanka iyo xasiloonida Dalka oo ay gacmaha is qabsadaan
Qaar ka mid ah ehada dadka dhawacmay isla markaana la socday oo la hadlay saxaafada ayaa in ay la socdaan eheladooda oo dhaawacyo culusi ka soo gaareen qaraxii isgoyska Zoobe
Qaraxaan ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ayaa ka mid Noqonaya waraxyada dunida ka dhaca kuwoda ugu halista iyo qarsaaraha badan