Home Afsomali VIDEO Wasiirka Hawenka Somalia Oo Daahfurtay Kulanka Sharciga Ka Hortaga Gudniinka ...

VIDEO Wasiirka Hawenka Somalia Oo Daahfurtay Kulanka Sharciga Ka Hortaga Gudniinka DAAWO SAWIRADA )

Wasaaradda Haweenka Somalia oo daahfurtay sharciga ka hortaga Gudniinka gabdhaha (FGM)

Wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka ayaa maanta daahfurtay  sharciga Qaran ee ka hortaga gudniinka gabdhaha, waxaana diyaarintiisa ka qeyb qaatay heyadda UNFPA.

Wasiirada haweenka Somalia oo munaasabadaas ka hadashay ayaa sheegtay in sharcigan uu yahay mid qabyo ah  ayna ansixintiisa ka hor kala tashan doonaan qeybaha bulshada, sida Culumaa’udiinka, Haweenka, dhalinyarada iyo iyo khubaro ku Xeeldheer shuruucda.

Waxay intaas ku dartay in sharcigan uu yahay mid la doonayo in looga cirib-tiro dalka gudniinka gabdhaha, iyadoo xustay in lagu saleyn doona dhaqanka iyo diinta Islaamka, iyadoo u mahad celisay heyadda UNFPA oo gacan ka geysatay diyaarinta sharcigan.

Axmed Diini Xasan oo ku hadlay magaca bulshada rayidka ayaa soo dhoweeyey sharcigan wuxuuna xusay inuu taageersan yahay barnaamijka ka hortaga gudniinka gabdhaha oo uu sheegay inu dhibaato badan ku hayo nolosha haweenka.

Waxaa sidoo kale ka hadlay Munaasabadaas xubno ka tirsan bulshadda rayidka oo ay ka mid ahaayeen Aamina Xaaji Cilmi oo taageero u muujisay sharcigan oo ay sheegtay in lala soo daahay.

Maama Caasha Cusmaan Ugaas ayaa ka digtay inay sii socoto  gudniinka gabdhaha  waxayna ku baaqday in shaqooyin kale loo sameeyo cid kasta oo ka shaqeyn jirtay gudniinka.

Garyaqaan  Tahliil ayaa isna ku tilmaamay gudniinka gabdhaha dembi iyo jariimo laga galayo dumarka Soomaaliyeed oo loo baahan yahay in la ciqaabo dadka lagu helo.

Wakiilo ka socday heyadda UNFPA oo iyana ka hadlay shirkan ayaa sheegay iney sii wadi doonaan taageerada ay ka geysanayaan ka hortaga gudniinka gabdhaha oo ay sheegeen inuu yahay mid xad gudub ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.