Home Afsomali VIDEO Wasiirka Wasaaradda Amniga Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa laamaha Amaanka...

VIDEO Wasiirka Wasaaradda Amniga Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa laamaha Amaanka amray in si deg deg ah Cadaalada loo horgeeyo cidii ka danbeysay Dad Shacab ahaa oo lagu laayey wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye

Kulan ay iskuugun yimadeen Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale Taliyaha Bolice Sareeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed Bashiir Ameriko  iyo Xubno ka tirsan saraakiisha Talisyada Ciidamada amaanka  ayaa looga hadlay dil qorsheysan oo lagu laayey qaar ka mid ah dad shacab ahaa xili ay ku guda jireen falida geedaha iyo howlo kale oo Nadaafadeed  deeganka Xaawo Cabdi KM 20 ee gobolka Sh\hoose

Ujeedka kulanka ayaa ahaa in ciidanku baaraan Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ee ka dhashay toogasho ay dablay hubeysan ka geysatay wadada isku xirta dagmada afgooye iyo  magaalada Muqdisho  wixii ku soo kordhay cida cidii ka danbeysay iyo dadka la dilay kuwii ay ahaayeen iyo waxa la gudboon laamaha amaanka

Kulanka oo ay saxaafadu dibad joog ka aheyd ayaa dood dheer xog uruurin iyo falanqeyn ka dib waxaa saxaafada saq dhexe kula hadlay gudaha xarunta C.I.da Taliyaha hogaanka canshuuraha  bariga ee Ciidanka Bolice ka janaraal Cabdulaahi Xasan Bariise wuxuuna sheegay in ay ka go.an tahay in cadaalada ka horgeeyo cidii ka danbaysay

Dhacdadaan  loo geystay dadka shacabka ah ayay ka argagaxeen dadka ku dhaqan deegaanka Xaawa Cabdi waxaana ku dhintey ilaa 9 ruux oo intoda badan haween ahaayeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.