Home Afsomali VIDEO Xeelada cusub oo lagu maray wadooyinka xirnaa ee Magaalada Muqdisho dagaal...

VIDEO Xeelada cusub oo lagu maray wadooyinka xirnaa ee Magaalada Muqdisho dagaal la.aan

Xaalada amaan ee Magaalada Muqdisho oo aad loo adkeeyey ayaa sababatay in dad iyo gaadiidka wadooyinka loo diido in ay maraan oo ay gabi ahaanba xiran yihiin iyada oo dowladu diiday in wax dhaqdhaqaaq ah laga sameeyo .

waxaana wadooyinka maraya oo kaliye daadiidka dagaalka iyo kuwa masuuliyiinta dowlada iyo Ciidamada Ka qeybqadanaya howlada ay wataan waxaana la waayey wado loo ogol yahay in ay maraan shacabka ku sugan magaalada Muqdisho  oo ay ku jiraan jid cadayaasha iyo isgoysyada  xaafada gala amaanka oo la adkeeyey darted.

waxaana ku sugan ciidamada dowlada qeybahooda kala duwan  oo aad u hubeysan kuwaas oo is hortaag ku sameynaya shacabka in ay maraan wadooyinka .

xanibaadaan ayeysan  ka hadlin laamaha amaanka iyo madaxda sare ee dowlada marka laga reebo wasaarada aminiga iyo Madaxweyne Xasan Sheikh oo bulshada Muqdisho ka ugu baaqay in ay u dulqaataan inta u u socdo shirka IGAD xirnaashiyada wadooyinka oo uu sheegay in lagu sugayo amaanka madaxda ka qeybgaleysa shirka wadamada uru goboleydka IGAD ee Muqdisho ka furmay .

taliyaasha cidamada Bolice-ka dowlada Somaliya ayaa gaaf wareegaya wadooyinka ciidamadu ka howlgalayaan waxaana jira isku dayo shacabku ku doonayaan in ay xaafadahooda ugu lugeeyaan waxayna dantu ku qasabtay in ay farsamo cusub la yimaadaan

koox cusub oo isku fikir ah ayaa bilaabay kuna guuleystay in ay si xeeladeysan u maraan dhowr jidgooyo oo ay ku sugnaayeen ciidamada amaanka sugayey waxana u muuqdeen kuwa matalay qaababka digri. Bananbax. ama ciyaartoyda hidaha iyo dhaqanka waxayna ku dhawaaqayeen Muqdisho dareemanaaw iyo ereya kale oo soo jiidasho leh haye yeeshee xili danbe ayey ciidamadu ka biyo diideen sheekada jid marista cusub ah oo fasdhil ku dhamaatay ciidamaduna waa diideen in ay halkaasi dhaafaan .

Xasan Sheikh Maxmauud ayaa shir Mugdisho ugu furay madaxda wadamada IAG oo ay ka maqanyin madxweynayasha wadamada Suudaan Cumar Xasan Albashiir  iyo Madaweynaha Djabouti Ismaaciil Cumar geele .

104 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.