Kulan balaaran oo ay iskuukugu yimaadeen Waxgarad siyaasiyiin Xildhibaano Wasiiro ka tirsan maamulka galmudug state dhalinyaro haween iyo marti sharafeed kale ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho .
Kulanka ayaa ahaa mid uu musharaxnadiisa uu kaga dhawaaqayey Xildhibaan Axmed Ducaale Geele Xaaf oo sheegay in uu yahay Musharax u taagan Qabashada xilka madaxweynenimo ee maamulka Galmudug .
Xildhibaan Xaaf ayaa ugu horeyntiiba faahfaahin ka bixiyey ujeedka kulanka iyo danta laga leeyahay wuxuuna ku dhawaaqay in uu yahay Musharax u u u taagan Qabashada xilka ah madaxweynaha galmudug State .
Dhamaan masuuliiyiintii munaasibada ka hadladay ayaa soo dhaweeyey murasahdaxnimada xildhibaan xaaf oo ay sheegeen in uu yahay masuul ka soo bixi kara xilkaas Waxayna kula dardaarmeyn in uu shacabka galmudug cadadalada u qeybiyo iyada ayaa kala deeqdee .
Ganacsade Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa ka mid ah Xildhibaanadii waqtigoodu dhamaaday ayaa