Home Afsomali VIDEO Xukuumada Somalia oo shaacisay in 5 milyan $ u Qoondeysay la...

VIDEO Xukuumada Somalia oo shaacisay in 5 milyan $ u Qoondeysay la tacaalida Cudurka shiinaha ka soo bilowday ee dunida ku faafaya

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku dhawaaqay in xukuumaddiisa lacag gaareysa shan milyan oo  Doller-ka Mareykanka ah ay ugu talagashay la tacaalida cudurka Coronavirus oo dhowaan soo gaaray Soomaaliya.

Khayre ayaa sidoo kale sheegay dhammaan la xirayo goobaha waxbarashada muddo 15 maalin ah, taas oo isla maanta bilaabaneysa.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in dowladda federaalka ay goobo gaar ah u diyaarisay in lagu daaweeyo dadka uu soo ritay xanuunkaasi.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed inay muujiyaan taxadar, islamarkaana ay yareeyaan goobaha goobaha inta badan la’isugu yimaada.

Halkaan hoose ka daawo sawirrada:

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.