Home Afsomali VIDEO Xuska maalinta aasaaska Midawga Yurub oo Muqdisho lagu qabtay

VIDEO Xuska maalinta aasaaska Midawga Yurub oo Muqdisho lagu qabtay

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta Muqdisho uga qeyb galay xuska sanad guurada 61-aad ee aasaaska Midawga Yurub oo sanad kasta la xuso maanta oo kale, ayaa u diray hambalyo ku aadan munaasabadda muhiimka ah.

Ra’iisul wasaaraha oo khudad dhinacya badan taabaneysa ka jeediyay munaasabadda ayaa sidoo kale ka halday shirkii dhawaan lagu qabtay Brussels iyo dhaqaalihii ay u ballan qaadeen midawga Yurub kaalmada iyo garab istaagga Soomaaliya, waxa uuna ku ammaanay sida ay Soomaaliya u garab taaganyihiin gaar ahaan arimaha dhaqaalaha, Amniga iyo caawinta Barakacayaasha iyo Qaxootiga.

Mudane Kheyre ayaa ka codsaday Midawga Yurub in ay laba jibbaaraan dadaallada ay ku garab taaganyihiin Soomaaliya, isaga oo xussay in Soomaaliya ay soo kabaneyso ayna aad ugu baahantahay taageero dhinac waliba leh si ay cagaheeda isugu taagto mar kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.