Waa Kuma Basaaska Kenya ee la sheegay inuu Baarlamaanka Soomaaliya ka mid noqday?
Xilli lagu guda jiro bartamaha doorashada Soomaaliya ayaa isbaheysiyada gobolka waxay isku dayayaan in ay baarlamaanka Soomaaliya ku yeeshaan xildhibaano xiriir dhaw la leh ama toos ula shaqeeya
Dowladda Kenya oo dooneysa in ay markale si un u nooleeyso kiiska badda ee maxkamdda ICJ u xukuntay qaab u dan ah Soomaaliya ayaa ku cadaadisay Axmed Madoobe inuu soo saaro islamarkaana kursi xildhibaan ku abaal mariyo xubin fir fircoon oo ka tirsan basaaska Kenya ee Soomaaliya sida ay warnaahinta qaar u sheegeen saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya.
Axmed Madoobe ayay saraakiishan ku eedeeyeen inuu fulinta damaca Kenya ku bedeshay si joogitaankiisa kursiga madaxweyne ee Jubbaland shanta sano ee soo socta.
Xubin hore uga tirsanaa NISA ayaa isagoo magaciisa ka gaabsanaya waxaa laga soo xigtay in Cumar Ibrahim Hashi, oo muddo ka badan 10-sano kamid ahaa sirdoonka Kenya uu kamid noqoshadiisa baarlamaanka golaha shacabka Soomaaliya ay noqon doonto mid musiibo ah.
“Cumar waa nin aad looga yaqaan NISA iyo hey’adaha xuuraansiga amniga, wuxuu qabtay howlo badan, isagoo marna ka shaqeeyay safaaradda UK ee Muqdisho, balse in kursi lagu abaal mariyay ayaa halis weyn ku ah qaranimada Soomaaliya” ayuu yiri sarkaalka la hadlay warbaahinta ee diiday in magaciisa la shaaciyo.
Dowladda Federaalku waa In ay sameeyso baaritaan taariikhi ah oo lagu sameeyo xildhibaanada cusub mar kasta oo ay joogaan madaxda gobolka xushay xubnaha qoyskooda, soddohda, lammaanaha ganacsiga iyo asxaabta qoyska, tan waxaa ku jira baadhista iyo nadiifinta amniga oo dhamaystiran ka hor inta aanad dhaarta rasmiga ah ku qaadin xildhibaan ahaan, ayaa lagu yiri qoraal talo bixin ah oo dowladda ku socday.
Si kastaba ha ahaatee, dowladda Kenya kama aysan quusan rajadii ay ka qabtay boobka dhul iyo bad Soomaali leedahay, waxaana warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in Axmed Madoobe uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Kenya si danahooda ugu guuleystaan.
In Jaanuus ka tirsan sirdoonka Kenya lagu soo daro baarlamaanka Soomaaliya ayaa la tilmaamay in looga gol leeyahay in xudunta hey’adaha dowladda Soomaaliya looga soo dhex qaado weerar qaranka lagu wiiqayo.
Ilaha sheegay in Mr Cumar uu ka tirsan yahay sirdoonka Kenya, ayaa heyadaha qaranka Soomaaliya gaar ahaan NISA iyo xeer ilaalinta ugu baaqay in ay ilaaliyaan madax banaanida dalka, lana hubiyo shaqsiyaadka la soo saarayo.
Dowladda Soomaaliya ayaa sanadihii la soo dhaafay la daalaa dhaceysay faragelin toos ah iyo mid dad ban oo ay ku hayaan dowlado shisheeye oo ay qaar kamid yihiin kuwa safka hore loogu yeero ee deriska ah.
https://youtu.be/dxqOjwmHtQc