Home Afsomali Waa Kuma Hanti dhowrka Guud oo Xaq u yeelan in uu qaadan...

Waa Kuma Hanti dhowrka Guud oo Xaq u yeelan in uu qaadan doono Mushaarka ugu Badan ee shaqaale bishiir helo

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa shalay magacaabay Hanti Dhowrka Guud ee cusub Maxamed Cali Afgooye, kaasoo bedelaya Hanti dhowrkii hore Nuur Faarax ee xilka looga qaaday shilkii uu ku dhintay Wasiirkii hore ee Howlaha Guud Cabaas Siraaji.

Hadaba waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Taariikh nololeedka Hanti dhowrka Guud ee cusub oo kooban:-

 

Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa loo magacaabey Hanti Dhowraha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 3di Agoosto, 2017.

 

Wuxuu ku dhashay Afgoye, Shabeellaha Hoose. 1974-tii, wuxuu ka baxay dugsiga hoose ee Xaawa Taako ee Muqdisho iyo Dugsiga sare ee Sheekh Xasan Barsane

 

Maxamed ayaa ah aqoon yahan leh in ka badan shan iyo toban sano oo khibrad maamul dowladeed iyo ganacsiba, kana soo shaqeeyey maamulka dhanka xisaabaadka, hantidhowrka, qorsheynta qaranka, maamulidda qandaraasyada.

 

Wuxuu  jagooyin sare ka soo qabtey dowladda hoose ee Washington, D.C. ee dalka Mareykanka.

 

Wuxuu kaloo ka soo shaqeeyey shirkadaha ganacsiga, gaar ahaan isgaarsiinta isagoo door ka ciyaarey isku biiridda labo shirkadood oo waaweyn oo lahaa hanti lagu qiimeeyey $70 Billion.

 

Sidoo kale wuxuu kaloo aasaase iyo madax u ahaa hay’adda lagu magacaabo Somalia Forward Foundation (SFF) oo ah hay’ad ka shaqeysa la talinta dowladaha, shirkadaha iyo hay’adaha daneeya horumarka iyo dib u dhiska Soomaliya.

Wuxuu ka heystaa Master of Business Administration University of Maryland University College, Graduate School of Management and Technology, Wuxuu kaloo ka heystaa Bachelor of Science Accounting iyo Management Information Systems George Mason University ee dalka Mareykanka.a

si kastaba  ha ahaatee wuxuu mushaar ahaan u qaadan doono lacago dhacaan hantida qaranka aad u badan si inta kale uu uga ilaaliyo in ay dhacaan  hantida qaran oo ka dhaxeyso dhamaan bulshada soomaaliieed

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.