Home Afsomali waa kuma Madaxweynaha Qalbiga ka ooyo marka Soomaaliya qaraxyo iyo dilal ka...

waa kuma Madaxweynaha Qalbiga ka ooyo marka Soomaaliya qaraxyo iyo dilal ka dhacaan 

Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in aad uga naxaan in marka Soomaaliya qeybo kamid ah ka dhacaan qaraxyo iyo dilal ay waxyeelo kasoo gaaraan shacab ah aan waxba galabsan.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Jabuuti in ay qalbiga ka ooyaan marka dhagahooda soo gaaro in Soomaaliya ka dhaceen qaraxyo dad waxyeelo kasoo gaaray iyo rasaas micno daro ah oo lagu furo laguna dilo dad shacab ah.

Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaana ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u midoobaan nabada iyo xasiloonida dalkooda, waxa uuna sheegay in wadajir dadka Soomaaliyeed in ay uga bixi karaan dhibaatada daashatay.

Dalka Jabuuti ayaa kamid ah dalalka sida weyn u garab taagan walaalahooda Soomaaliyeed, waxa uuna Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle marar badan gacan ka geestay xasiloonida iyo nabada Soomaaliya .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.