Home Afsomali VIDEO Waa Macquul hogaamin kara baarlamaanka haduuba ku dhawaaqay musharaxnimadiisa Maxamed Mursal...

VIDEO Waa Macquul hogaamin kara baarlamaanka haduuba ku dhawaaqay musharaxnimadiisa Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan bulashadu soo dhaaweysay

https://youtu.be/02n3d7YV8SY

KU DHAWAAQIS Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Aga’s maanta oo taariikhdu tahay 18-4 -2018 shaaciyay inuu yahay Musharaxa Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Waa wasiirka Gaashandhigga,xilligan horeyna wuxuu u soo noqday Wasiirka Howlaha Guud 2009 kii, sidoo kale Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga ayuu soo noqday.

Waxaa uu ka soo jeeda degaanka Ufurow ee Gobolka Baay, waa aqoonyahan hadal gaaban inta badan la soo shaqeeyay Madaxweynayaashii dalka soo maray Sh Shariif iyo Xasan Sheekh haatan la shaqeynayo Madaxweyne Farmaajo.

Ku dhawaaqistiisa waxaa loo arkaa inuu yahay Musharaxa ugu macquulsan marka la eego shaqsiyaadka la tartamaya, waxaa la aaminsan yahay inuu hogaamin karo Baarlamaanka siyaasad ahaan hadda kala qeybsan, wuuna isku keeni karaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.