Deynta dibadda (External debt) ee lagu leeyahay Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa ay gaartay $5.1 Bilyan oo dollar, deyntaas inteeda badan waxa lagu yeeshay Soomaaliya xilligii uu jiray xukunkii keligi-taliska ahaa ee Kacaanka intii u dhexeysay 1969-1991, waxaana uga sii daray oo sii kordhiyey tirada lacagtan faa’iidada ama dulsaarka iyo ganaaxa kusocday Soomaaliya muddo kudhow 40 sano, illaa hadda Soomaaliya uma suuragelin dib u celinta deyntaas iyada oo dalku kabaxayo collaad taagnayd soddameeyo sano.
deyntaasi waxa ay kamid tahay sababaha hortaagan maalgashiga iyo horumarka dhaqaalaha sidaas oo kalana waa caqabad weyn oo ku horgudban in Soomaaliya si togan ula macaamiisho hay’adaha dhaqaalaha adduunka sida IMF, inkasta oo ay socoto wadashaqeyn kusaabsan sidii lacagta deynta ah looga dhaafi lahaa Soomaaliya.
May-2017 madaxweyne Farmaajo ayaa arrinta lacagta deynta ah ee lagu leeyahay Soomaaliya waxa uu kusoo qaaday hadal uu ka jeediyey shirkii London ee Soomaaliya, waxa uu sheegay xilligaas ee dowladda Soomaaliya horumar kasameyneyso daah-furnaanta iyo hagaajinta xiriirka kala dhexeeya hay’adaha dhaqaalaha adduunka -IFIs [international financial institutions].”, António Guterres xog-hayaha guud ee QM ayaa isna shirkaas ka sheegay in Arrinta kusaabsan deynta Soomaaliya aysan ahayn oo keli ah dhaqaale iyo arrimo maaliyadeed balse ay sidoo kale tahay su’aal la xiriirta Akhlaaqda.
Inta badan lacagta deynta ah ee Soomaaliya oo ay leeyihiin tiro kudhow 30 Deynley oo dowlado iyo hay’ado dhaqaale isugu jirta waxa uu dalku galay intii u dhexeysay 1970-1980 iyada oo Qarash-garayn iyo deyn qaadasho badan uu galay xukunkii Kacaanku isaga oo hub iyo rasaas farabadan ka amaahday midowgii Soofiyeet, sidaas oo kalana dhiirigelintii haybta Carbeed ee Soomaaliya iyo ku biiriddii jaamacadda Carabta ayaa horseeday in dalku galo deyn hor leh.
Geeddi-socodka deyn-cafinta Soomaaliya waxa uu billowday April-2013 xilligaas oo IMF aqoonsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sanad kahor waqtigaas lagu dhisay magaalada Muqdisho doorashadii ugu horreysay ee kadhacday caasimadda kaddib 45 sano laga soo billaabo 1967-2012, Deyn-cafintu waa Jidka Soomaaliya u mareyso deganaansho, hoos u dhigidda Saboolnimada iyo horumarka dhaqaalaha.
Haddaba halkan hoose ka aqri Liiska dowladaha iyo hay’adaha deynta ku leh Soomaalia, deyntanina waxa ay u badan tahay dheef-kor ama dulsaar iyo Ganaax