Home Afsomali waa muuqaal kale iyo Axmed madoobe Dakada Kismaayo Emaaraatkuu kuwareejiyey iyo...

waa muuqaal kale iyo Axmed madoobe Dakada Kismaayo Emaaraatkuu kuwareejiyey iyo Ciidamo la dagaalama oo la diyaariyey

 

Saaxiibada aan jecel nahayow waa mar kale iyo barnaamijkeena sii daa waxaa maanka ku heyso waana barnaamij aan kaga hadleyno

Qaabka shinidu u doorato boqor hogaamiyo Raxan raxan  shini ah iyo sameynta malabka

Waligaa ma  la kulantay shaqsi jirkiisa oo dhan si nabad ah ay ku  qariyay kumannaan shinni ah

 

Aan ku bilownee suaasha isweyndiinta mudan ayaa ah Maxaad ka taqaanaa boqorka Shinida iyo soo saarka malabka waa dulucda sii daa waxaad maanka ku heyso

 

Waxaa jira Dad shinida Saaxiibo la ah oo dhaqda malabkana ka dhuuqo Waa arrin adag in la rumaysto in uu jiro qof shaqo ka dhigtay dhaqashada shinida  malabna ka sameeyo dhaqaale ka hela nolol maalmeedkiisa dhaafsan  balse og soonow inta shinida aad dhaqaaleyneyso in ay isa sii dhaleyso  oo ay tarmeyso .

waad ku mahadsan daawashadiina sharafta leh ee noo shere gareya si fariintaan ay Saaxiibo badan u gaarto naguma soo biir si aad u heshid waxbixinada aan soo bandhigno.

Boqorka shinnida wuxuu isu keenaa si uu hogaamiye kooxeed u noqdo shinni kale oo badan taas oo wada dhasha malabka Noocyadiisa kala duwan .

 

Shinnidu waa boqortooyo aad u qiimo badan oo ilaahay ka fadilay Xasharaadka intiisa kale  waa xasharaad Allah hibo uu u siiyey inuu sameeyo mid kamid ah dawooyinka .

Xasharaadka shinnidu waa xasharaad aad u qiimo badan oo ku nool dhamaan daafaha

caalamka

Xasharaadkan Ilaahay quraankiisa sharafta badan ayuu ku xusay shinnida mar kasta

oo uu Allah sheego magaceedana haddana manfaceeda ayuu Allah sheegaa  oo uu ugu horreeyo malabku.

Fadlan rukumo oo iska diiwaangeli begkeena si aad warbixino dheeraad ah u hesho!  

suurad ka mid ah quraanka ayaa magaceeda la dhehaa surada shinnida oo uu Allah ku xusayo inay tahay mid manfac badan sidoo kale Allah ayaa sheegay inuu u waxyooday.

 

Shinnidu waxay ku nooshay, kaymaha iyo buuraha waxayna u kala baxdaa 20 kun oo nooc.

Waxaana halis badan kuwa gala buuraha isla markaana ka malab soo saar badan kuwa ku nool kaymaha.

Shinnidu waxay u nooshahay sida bani aadamka  sidoo kale waxaa u taliya qaybteeda dhidiga  waxayna u nooshahay guuto guuto, guuto kastana gaar ayay u nooshahay midkasta oo guutada ama boqortooyada ka mid ahna, waxuu qabtaa shaqo u gaar ah.

 

Shinnidu waxay samaysataa malab u kala baxa dhowr nooc mid la siiyo boqorada oo is gaar ah ay u diyaariso iyo nooc ay cunaan kuwa shaqaalaha boqortooyada ah iyo nooc ay cunaan kuwa labka ah. Malabku waa dawo sida uu Allah ku sheegay quraankiisa

Noocyada malabka ay shinnidu samayso wuu kala faa’iido badan yahay waxayna ku xiran tahay qaabka ama nooca waxa ay cunaan…

Shinnidu waxay leedahay laba baal oo hore iyo baalal ka badan kuwa hore oo ay ku leedahay xaga danbe. Cuntada saxda ah ee shinnidu waa manka iyo ubaxa macaan iyo xabuubta ku dhex jirta miraha.

Shinnidu waxay jismi ahaan ka koobantahay saddex qaybood oo kala ah  madaxa, laabta iyo caloosha.

Sidoo kale waxay leedahay shinnidu 5 indhood iyo tuubo dheer oo adag oo ay u isticmaasho oo kaliya difaaca.

Fadlan xasuuso inaad like iyo subscribe dhahdo

Shinnida ugu fiican ama ugu wax soo saarka badan xaga malabka waa shinnida ku dhaqan qaaradda yurub gaar ahaan waddanka faransiiska deegaamada Alkreneola.

Malabka dunida ugu fiicanna waxaa laga soo saaraa waddanka yemen.

 

Shinnida ta ugu dheer ee malab samaysaa waa shinni dhererkeedu gaarayo ku dhowaad 20 milimter waxaana loo yaqaana cimlaaq.

Ta ugu gaaban ee soo saarta malab waxaa lagu qiyaasaa dhererkeedaa 1mm waxaana loo yaqaana cilinka.

Dhererka shinnida boqorada ah waxa uu ku labanlaabmaa dhererka shinnida shaqaalaha ah.

Shinnida wuxuu Ilaahay ku mannaysatey qayb urta  iyo dhadhanka ta ugu wanaagsan waxaana ay ku kala gara kartaa dhadhanka macaan iyo dhadhanka qadhaadh urta xun  iyo urta udgoon.

 

Ma ogtahay malabku inuu ka dawo yahay xanuun kasta oo aan ahayn geerida ?

Side aad u aragto warbixintaan fikirkaagu waa muhiim aragtidaada hoos noogu reeb qeybta commentiga  hadaad nagu cusub tahay follow iyo like soo saar noona shere garey si muuqaalkaan uu Saaxiibo badan  u gaaro mahadsanidiin

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.