Waa Qormo Ku Saabsan Xaaladda Soomaaliya 1885 – 2025
Waqtigii gumeysiga ka hor dadka Soomaalida waxa ay ahaayeen qabaa,ilo daruuftooda dhaqan dhaqaale kala gedisan yahay. Markii uu gumeystuhu uu qabsaday dhulka Soomaalida ee ay ku noolaayeen dadka Soomaalida ee deggan geeska Afrika, waxaa keliya uu si adag oo la taaaban karo dhibaatada iyo ficilladii gumaysiga u soo gaartay waa dadka beeralayda ahaa ee ku noola Koonfurta Soomaaliya. Waayo, ujeedada ugu weyn ee gumastayaasha ay lahaayeen ayaa ahayd in ay helaan dhul ay beertaan oo ay shaqooyin ka abuurtaan, shaqaale lacag la’aan ah iyo tartan ganacsi oo ka dhaxeeyay gumaystayaasha dhexdooda.
Dhinaca kale, 1940-naadkii waxaa bilowday dhaqdhaqaaqii xurnimadoonka ee xisbigii SYL (Somali Youth League). Xisbigan waxaa aasaasay halgamihii weynaa ee Cabdulqaadir Sheeq Saqawadiin iyo labo iyo toban kale dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dhallinyarada u ololeeysa xurnimada dalka Soomaaliya ee waqtigaas.
Laakiin, markii xisbigii laga leexiyay fikirkii iyo siyaasaddii loo aasaasay, waxaa dhacay in ay soo baxaan xisbiyo kala duwan iyo aragtiyo kala duwan. Xisbiyadaas waxaa ka mid ahaa xisbi siyaasadeedkii lagu magacaabi jiray HDMS, ( Hisbi Dastur Mustakbal Somali). Xisbigan waxaa aasaasay Sheeq Cabdulahi Bogadi. Xisbi siyaasadeedkan HDMS wuxuu aaminsanaa in si ay Soomaalida u hesho dowlad sal adag leh, in aan lagu degdegin in dowladnimo la siiyo Soomaalida 1960. Waayo, ma jirin dad badan oo aqoon iyo waayo aragnimo u leh maamulka kala duwan ee xafiisyada dolwadda. Aqoonta dadka ayaa ku ekeyd dugsiga dhexe ama ka hoose. Doodda Xisbiga HDMS waxa ay gaartay Qaramada Midoobey ( United Nation) 1953, waana wafuuddii ugu horeysey ee Soomaali ah tagta Qaramada Midoowey, waxay ka codsadeen caalamka in Soomaalida ay u baahantahay dad aqoon leh oo hanta dowladnimada in la tababaro, kuwaas oo leh aqoonta iyo waaayo aragnimda dowladnimada.
Xisbiga HDMS waxa kale oo uu soo jeediyay in la sameeyo nidaam federal oo ka kooban lix gobol maamul. Arintaas waxay dhalisay dood siyaasadeed adag oo markii danbena waxaa la dilay rag badan oo Soomaalida wax tar u lahaa, waxaana ka mid ahaa raggaas Ustaad Osmaan. Waxaa kaloo dabin loo dhigey oo xabsi dil ah lagu xukumay Siyaasigii weynaa ee Cabdulqaadir Maxamed Aadan Zope. Fikraddii HDMS waa ay socon waysay oo waxaa ka horyimid mucaarad badan oo ku dhisan isirsooc, qabyaalad iyo danaysi.
Sanadkii 1991 markuu u dhacay burburkii dowladdii ciidanka ee Siyaad Barre, Soomaalida badankeeda waxay ogaadeen kana shalaayeen fikirkii Xisbiga HDMS & hogaamiyaashooda inay ku saxsanaayeen fikirkooda, laakiin in lala fahmi waayay waqtigaas. Waxaa kaloo jirey xisbi siyaasadeed isaguna xurnima doon ahaa oo uu aasaasay Xaaji Maxamed Xuseen, kaas oo ka mid ahaa aasaasayaalkii urukii SYL. Dhammaan xisbiyadani waa kuwii dooroshooyinka tartan siyaasadeedka lagu geli jirey inta u dhaxeysa 1959–1969. Raggan sameeyey xisbiyada xurnimadoonka ahaa waxay ka soo jeedeen intooda badan beelaha Digil & Mirifle & reer Banaadiri .
Markii uu afgembiga meliteriga ama ciidanka ee uu ka dhacay Soomaliya 1969, sanadadii ugu horeeysay waxa la dareemay hurumar degdeg ah sida dhismaha ciidamada, hay’adaha waxbarashada, jaamacadaha, caafimaadka, dhismaha wadooyinka iyo arimo kale oo badan. Hase yeeshee wixii ka danbeeyey 1978, waxaa bilowday burburkii dowladdii Siyaad Barre. Siyaad Barre iyo xukunkii militariga ahaa waxay diideen talooyin badan oo lagu badbaadin karay burburka dowladnimada Soomaaliya. Taas oo ilaa iyo maaanta toosi la´.
Ugu danbayn maalin cad ayuu Siyaad Barre ka carareen dalka, waxaa lagu sababayn karaa in ay u badnaayeen sababaha burburkaas, askarta xukunka Siyaad Barre u badnaa oo ahaa kuwa aan aqoon fiican u lahay nidaanka dowladnimada kuna badnaa arimaha qabyaallada iyo daneysiga oo si xoogan loogu maaamulay dalka. Arinaan oo dhaxalsiisay in maanta ay raacaan wadadaas dhamman dowladahii kumeelgaarka ee ka dambeeyay iyo tan maanta joogta.
Markaad u fiirsato dalalka, Nayjeeriya Gaana, Masar, Ethiopia & kuwo kale waxaa maamulayey Askar hadana waa ay ka badbaadeen burbur , waxa ay sheegan dadka quburada ah ee wax ka qoro dunida in dalalkaas ay ku badbaadeyn aqoonta dadka markaas hogaaanka hayay.
1991 waxaa dalka la wareegey jabhado aan diyaarsaneyn oo ay askar hore ay madax u noqdeen & maleeshiiyaal qaab qabiil u abaabulan, waxayna isku dayeen in ay dowlad dhisaan. Hase ahaatee waxay dalka u horseedeen burbur lixaad leh oo aan la qiyaasi karin waxayna sabatay dad badana in ay macluul ugu dhinteen iyo in malaayiin dad ahna ay barakacaan ama dalal kale qaxooti ku noqdaan . Falalkaas waxaa geystay rag saraakiil ah oo canshuurtii dalka wax ku soo bartay. Dadka dhibkaas geystay ma helin maxkamad la xisaabtanta, gaar ahaan denbiyada dagaal & xasuuqa shacab badan ay u geesteen taas oo aan wax sharciga ama maxkamad ah aan la soo taagin dadka dambiyada geystay. Arintan waxaan ku eedeynanaa aduunweynaha, waayo xasuuqii ka dhacay 1994 dalalka Ruwanda & Burundi raggii ka danbeeyey waxaa lagu oogey dacwado , dhibaatadiina dalalkaas waa ay ka joogsatey.
Waxaa kaloo jirta in laga soo bilaabo sanadkii 2000, waxaa Soomaliya ka bilowdey isbedel siyaasadeed oo markii danbe gaarsiisey in dalka gudihiisa dowlad lagu doorto. Dowladihiii isbedbedelayey, mid kasta waxay ay isku dayeysay in ay wax un qabato. Dowlada Hassan Sheikh ee maanta dowladii ka horeysey ee uu madaxda uu ka ahaa Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ugu horeyntiiba waxa ay ka hor timid qof kasta oo aqoon duragsan u leh dowladnimada & sharciga. Tusaale ahaan Prof Maxamed Sheeq Cusmaan ( Jawaari) ilaa & hada lama oga sababta looga horyimid aqoonyahanka dalka wax ku soo siyaadin lahaa. Ugu danbeyntiina markii uu waqtiga ka dhammaaday ayuu isku dayay in uu sharciga baalmaro ilaa markii danbe ay gaartay in nidaamkii bilowga ahaa uu burburo ama uu dhaawacaysanyahay ilaa iyo maanta.
Dowladan hada uu madaxda ka yahay Madaxweyne Xasan Sheeq markaad u fiirsato waxaa ka muuqda tayo xumo baahsan sida xaiifksa Ra,isul Wasaaraha & Golahiisa Wasiiradda, Gudoonka Baarlamaanka Federlka Soomaaliya oo aan waxba is dhaamin, Wasaarada Arimaha dibada oo heykal fiican laheyn & madaxweynihii oo shaqadiisa ay isku qasan tahay. Markaad u fiirsato dowladda Itoobiya wasaaradeeda arimaha dibadda waxaa wasiirka la talinaya qubaro waaweyn oo wax ka dhiga jaamacadahavAmeerika & Yurub!
Hadaba waxaan soo jeedin lahaa arimahan soo socda 1) In madaxweynah dalka xafiiskiisa uu lahaado quburo Soomaaliyeed oo aqoon durugsan u leh shaqadooda kala duwan ee xafiiska madaxtooyada dalka. 2) Xafiiska Ra,iisul wasaaraha isna sidoo kale in dad aqoon fiican u leh howshooda in la helo. 3) Gudoonka Baarlamaanka in loo helo qubaro xagga sharciga ah iyo dhanka maamulka maaliyadda in laga haqab tiro. 4) Wasaarada arimaha dibadda sidoo kale in loo helo qubarro dejisa sida loola tacaalayo diblimaasiyada dunida oo hadda u muuqada mid lagu jahawareersanyahay.
Fiiro gaar ah & codsi:
Maamulada dalka ka jira maanta waa in ay ka shaqeeyaan sidii dowladanimada loo xoojin lahaa dalkana loo mideyn lahaa. Hadii la rabo in fadaraalka si fiican loogu dhaqmo waa in la helaa aqoonyahanno si fiican u qeexi karo micnaha & ku dhaqanka fedaraalka .
Mahadsanidiin.
Qore : Abdulkadir Ahmed Chief Sagarey.